Cilmibaadhis Mar Kale Caddaysay In Maydku Uu Fahmo Wax Kasta Oo Hareerihiisa Ka Dhacaya

0
162

Washington (Geeska)- Inkasta oo ay diimaha samaawiga ah oo dhami ka warrameen waxa dhaca dhimashada dabadeed, haddana aadamuhu tan iyo bilowgii jiritaankiisa waxyaabaha ugu badan ee uu raadiyo, doodaha iyo murannada ugu badanina ka dhacaan waa waxa qofka ku dhaca dhimashada kaddib.

Marka laga tago inta Iimaan qalbigooda buuxiyey ee aaminsan in nolol dhammaystirani ay ka dambayso geerida, wanaagga iyo xumaanta noloshaasina ay ku xidhantahay hadba samaha iyo raalli gelinta Alle ee uu falo inta uu nolosha hore ku jiro, haddana waxaa weli jira kuwo cabsi aan sharci ahayn ka qaba dhimashada kaddib, gudcur, cabsi iyo cid la’aan ayaa ay ka filaan qabriga.

Igna Cardoshina ayaa maqaal lagu faafiyey shabakadda FBR ee dalka Ruushka waxa ay ku sheegtay in saynisyahannadu ay waqti badan ku qaateen iskudayo ay doonayeen in ay jawaab la taaban karo ugu raadiyaan aaminsanaanta ah in dhimashada kaddib ay nololi jirto, waxa aanay baadhistaas ku ogaadeen in maydku uu maqlo, isla markaana fahmo wax kasta oo hareerihiisa ka dhacaya.

Waxa ay sheegtayin cilmibaadhayaal Maraykan ah oo ka tirsan xarunta caafimaadka ee Langone Medical Center oo ka tirsan jaamacadda New York ee dalka Maraykanka ay sannado badan cilmibaadhayeen waxa ku dhaca jidhka aadamaha geerida kaddib, iyo in uu wacyi jiro dhimashada kaddib, waxaana u soo baxday in dhimashadu aanay ahayn dhammaadka qofka.

Qoraaga maqaalkan ee Igna Cardoshina waxa ay sheegtay in marka uu wadnaha qofku shaqada joojiyey, loona aqoonsado in qofku uu geeriyooday, in maskaxda qofku ay shaqada sii waddo muddo xitaa toban daqiiqo sii gaadhaysa. Waxa aanay intaas ku dartay in marka la eego cilmiga shaqada xubnaha aadamaha in maskaxda qofku ay sii shaqayso muddo aad uga badan marka qofka loo aqoonsado in uu mayd yahay. suurtagalna ay tahayba in maskaxda qofku ay saacado badan sii nooshahay dhimashada kaddib. Taas oo u suurtagelisa in maydku uu la socdo ama fahmo isla markaana ka warqabo dhammaan waxa hareerihiisa ka dhacaya, inkasta oo aanu wax ishaaro ah bixin karin ama si uun u muujin karin noloshiisa.

Saynisyahannadu waxa ay sheegeen in saacadaha ugu dambeeya ee dhimashada maskaxda uu qofku isaga oo aynu mayd u aragno haddana isagu maqlayo, dareemayo si buuxdana u fahmayo waxa hareerihiisak a socda oo dhan.

Waxa kale oo ay xeeldheereyaashu sheegayaan in qaybta ugu dambaysa maskaxda aadamaha ee dhimataa ay tahay qaybta qaabilsan xasuusaha taas oo macnaheedu yahay in qofku isaga oo mayd loo aqoonsan yahay uu haddana awoodayo in uu xasuusto wixii soo maray iyo same iyo xumaan wixii uu noloshiisa soo falay. Arrintan oo ay kala siman yihiin dadka kala xaaladda miyirbeelka ee Koomada loo yaqaanno oo dadka ku jiraa ay haddana hortooda timaaddo dhammaan xaaladihii iyo taariikhdii nololeed ee ay soo mareen.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.