Xaalado Dhif Ah Oo Dadku Aanay Rumaysnayn In Ay Caafimaadka La Xidhiidhaan Balse Cudur Ah (Q:1)

0
534

Washington (Geeska)- Cilmiga oo maalin kasta horumar xawli ku socda samaynaya, tiknoolajiyadda iyo fahamka nolosha ee casriga ah ayaa wax weyn ka beddelay cilmigii caafimaadka iyo guud ahaanba qaab-nololeedkeenna. Waxaa jira xeel-dheerayaal iyagu u go’ay raadinta cilmiga la xidhiidha jidhka aadamaha oo maalin kasta wax cusub ogaada, iyada oo aynu ognahay in wax kasta oo la ogaado haddana aan la dhamayn karin cilmiga iyo xikmadda ku duugan.

Qormadan uu Geeska Afrika Afsoomaali u rogay oo ay faafisay shabakadda wararka ee CNN waxa ay soo bandhigaysaa xaalado aynu mararka qaar dadka ama nafteenna ku aragno, oo sibiq innagu dhaafa innaga oo aan tafaasiil badan u raadin, laakiin hadda ay khubaradani ku doodayaan in ay yihiin xaalado caafimaad darro ama aynu nidhaahno cudur aynaan aqoonsanayn oo nafsi ah. Waxa aanay kala yihiin:

1. Lahjad shisheeye: Waxaa jira dad mar keliya uun isku arka in afkoodii hooyo ee ay sida fiican ugu hadlayeen ku adkaaday, oo ereyada sida ay ugu dhawaaqayaan ay tahay sida kakan ee qofka bartay uu ugu dhawaaqo.

In kasta oo ay xaalad aad u dhifa tahay, haddana waxaa dhacda in la arko qofka codkiisii, iyo dhawaqiisii afka hooyo ee uu hore u yaqaannay oo mar keliya isu beddelay mid adag oo la moodo qof afka bartay. Xaaladdan inta la hubo waxaa lagu arkay qiyaas ah 100 qof dunida oo dhan, waxaana inta la og yahay ugu horraysay sannadkii 1941kii, markii gabadh u dhalatay dalka Norway oo dhaawac culusi ka soo gaadhay weerar cirka ahaa, xilligii dagaalku socday, ay soo miyirsatay uun iyada oo ku hadlaysa lahjad Jarmal ah.

Inta badan dadka xaaladdan oo kale lagu arkaa waa kuwa shil ama xanuun ay la miyir beeleen ka soo noqda, ama ugu yaraan wax si aad ah uga nixiyey oo ay la miyir beeleen uu ku dhacay.  La soco…