Qaybtii saddexaad ee warbixin ay shabakadda ‘Middle East Eye’ ee dalka Ingiriisku cinwaan uga dhigtay, “Doorashooyinka Maraykanka 2020: Murashaxiinta Muslimiinta Maraykanka ee taariikhda sameeyey” oo ka warramaysay tiro muslimiinta Maraykanka ka mid ah oo ku guulaystay Kongareeska Maraykanka iyo kuraas badan oo goleyaasha sharcidejinta ee goballada ka mid ah. Ibraahiim Cayaash Ibrahaamiin Cayaash oo asalkiisu Yemeni yahay ayaa ka mid ahaa xildhibaannada doorashadii 13-ka Noofambar 2020 ka ku guulaystay xubinnimada golaha wakiillada ee gobalka Michigan. Cayaash oo ka tirsan xisbiga dimuqraaddiga ayaa noqonaya Yemenigii ugu horreeyey ee xubin ka noqda goleyaasha sharcidejinta ee dalka Maraykanka. Dadka Isirkoodu Yementa yahay ayaa ugu badan gobalka Michigan oo ay awoowyadood ka mid ahaayeen ajaanibkii tirada badnaa ee labaatanaadkii qarnigii hore dalkaas u haajireen si ay shaqo uga raadsadaan. Cayaash waxa u uku dhashay Maraykanka waxa aanu bartay cilmiga siyaasadda. Waraysi uu Cayaash bishii hore siiyey shabakadda MEE waxa u uku sheegay in uu xoogga saari doono sidii ay siyaasaddu u noqon lahayd mid laga wada qayb qaato oo aanay cid ama jaaliyad gaar ahi ka faquuqnaan metelaadda dadkeeda. Cumar Faatix Cumar Faatix oo asalkiisu Soomaali yahay ayaa ka mid ah xildhibaannada ku guulaystay kruaasta golaha odayaasha ee gobalka Minnesota ee dalka Maraykanka. Cumar oo codad boqolkiiba 89 gaadhaya ka helay doorashadii gobalka ayaa si weyn uga adkaaday ninkii la tartamayey oo ahaa Bruce Lundin oo ka tirsan xisbiga Jamhuuriga. Cumar waxa uu ol’olihiisa hal ku dheg uga dhigay aynu wada jir hore u soconno, waxa aanu jeediyey khudbado uu dadka kala isirka ah ee gobalka ugu sheegayo in muhiimaddu ay tahay in ay u midoobaan sidii ay danaha ay wadaagaan u wada dhisi lahaayeen. Dhinaca kalana waxa uu wacdaro ka dhigay qaabka ol’olaha oo uu sameeyey dadala dad badan indhahooda soo jiitay, waxaa ka mid ahaai n uu jidadka maray oo qof kasta oo ka soo horbaxa uu la istaagayey una dhiibayey waraaqo xambaarsan xogtiisa, haddii fursaddu u saamaxdana uu u sharraxayey siyaasaddiisa kana codsanayey codayn.

0
683

Qaybtii saddexaad ee warbixin ay shabakadda ‘Middle East Eye’ ee dalka Ingiriisku cinwaan uga dhigtay, “Doorashooyinka Maraykanka 2020: Murashaxiinta Muslimiinta Maraykanka ee taariikhda sameeyey” oo ka warramaysay tiro muslimiinta Maraykanka ka mid ah oo ku guulaystay Kongareeska Maraykanka iyo kuraas badan oo goleyaasha sharcidejinta ee goballada ka mid ah.

Ibraahiim Cayaash

Ibrahaamiin Cayaash oo asalkiisu Yemeni yahay ayaa ka mid ahaa xildhibaannada doorashadii 13-ka Noofambar 2020 ka ku guulaystay xubinnimada golaha wakiillada ee gobalka Michigan. Cayaash oo ka tirsan xisbiga dimuqraaddiga ayaa noqonaya Yemenigii ugu horreeyey ee xubin ka noqda goleyaasha sharcidejinta ee dalka Maraykanka.

Dadka Isirkoodu Yementa yahay ayaa ugu badan gobalka Michigan oo ay awoowyadood ka mid ahaayeen ajaanibkii tirada badnaa ee labaatanaadkii qarnigii hore dalkaas u haajireen si ay shaqo uga raadsadaan. Cayaash waxa u uku dhashay Maraykanka waxa aanu bartay cilmiga siyaasadda.

Waraysi uu Cayaash bishii hore siiyey shabakadda MEE waxa u uku sheegay in uu xoogga saari doono sidii ay siyaasaddu u noqon lahayd mid laga wada qayb qaato oo aanay cid ama jaaliyad gaar ahi ka faquuqnaan metelaadda dadkeeda.

Cumar Faatix

Cumar Faatix oo asalkiisu Soomaali yahay ayaa ka mid ah xildhibaannada ku guulaystay kruaasta golaha odayaasha ee gobalka Minnesota ee dalka Maraykanka. Cumar oo codad boqolkiiba 89 gaadhaya ka helay doorashadii gobalka ayaa si weyn uga adkaaday ninkii la tartamayey oo ahaa Bruce Lundin oo ka tirsan xisbiga Jamhuuriga.

Cumar waxa uu ol’olihiisa hal ku dheg uga dhigay aynu wada jir hore u soconno, waxa aanu jeediyey khudbado uu dadka kala isirka ah ee gobalka ugu sheegayo in muhiimaddu ay tahay in ay u midoobaan sidii ay danaha ay wadaagaan u wada dhisi lahaayeen.

Dhinaca kalana waxa uu wacdaro ka dhigay qaabka ol’olaha oo uu sameeyey dadala dad badan indhahooda soo jiitay, waxaa ka mid ahaai n uu jidadka maray oo qof kasta oo ka soo horbaxa uu la istaagayey una dhiibayey waraaqo xambaarsan xogtiisa, haddii fursaddu u saamaxdana uu u sharraxayey siyaasaddiisa kana codsanayey codayn.