Guddoomiyaha UCID Oo Ku Baaqay In Somaliland Caddayso Mawqifkeeda Dagaalka Ka Socda Itoobiya

0
595

Hargeysa (Geeska) – Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe ayaa ka hadlay dagaalka ka socda Waqooyiga dalka Itoobiya ee u dhexeeya Ciidammada Dawladda Federaalka ah ee Itoobiya iyo Xooggaga Gobolka Tigreega ee TPLF.

Guddoomiye Faysal oo Maanta Warbaahinta kula hadlay Xafiiskiisa Hargeysa ayaa sheegay inay suurto-gal tahay in dagaalkaasi aanu ku koobnaan Waqooyiga Itoobiya, balse uu ku fido Gobolka Geeska Afrika, sidaasi darteed loo baahan yahay in Somaliland Caddayso Mawqifkeeda ku waajahan, wixii talo ah ee ay joojintiisa ka geysan kartana gudbiso.

Faysal Cali Waraabe oo arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi “Waxa muuqata dagaalka Itoobiya ka socdaa inuu yahay dagaal fidi doona, oo aan ku ekaanayn Waqooyiga Itoobiya ee deegaanka Tigreega sida uu sheegay ama uu qabo Raysal-wasaaraha Itoobiya…”

Faysal waxa uu ka digay in dagaalku ku fido Gobolka Geeska Afrika “Dagaalkaasi haddaan la xakamayn oo inta goori goor tahay aan la joojin Geeska oo dhan saamayn weyn ayuu ku yeelanayaa..” ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray oo uu soo jeediyey inay Dawladda Somaliland caddayso Mawqifkeeda ku aaddan “Innaga oo ah Jamhuuriyadda Somaliland oo Geeska kaga naalla meel halbowle ah, waxa weeyi inaynu Mawqifkeena sheegnaa, talo wixii aynu haynana bixinaa.”

Guddoomiyaha UCID wuxuu Xisbi ahaan ku baaqay in dagaalka la joojiyo “Annagu haddaanu nahay Xisbiga Cadaaladda iyo Daryeelka (UCID) waxaanu leenahay xabaddu ha joogsato oo caqligu ha shaqeeyo, annaga oo tixraacayna baaqyada Adduunku u soo jeediyey Raysal-wasaaraha Itoobiya, waxaanu leenahay Raysal-wasaare isma qabtaan waxaan helay biladdii nabadda iyo dagaal ayaan ku qaadayaa dad umaddayda ka mid ah oo aan leeyahay khasab isku dhiiba, wax suurtagal ah maaha, markaa waxaanu leenahay caqligu ha shaqeeyo” ayuu yidhi Gudoomiyaha xisbiga UCID ee Somaliland, Eng Faysal Cali Waraabe oo Maanta Saxaafadda kula hadlay Magaalada Hargeysa

Geeska.net/Hargeisa Office