Shirkadda Google Oo Lacag Ka Dhigaysa Adeeg Ay Macaamisheedu Aad U Isticmaalaan

0
636

Shirkadda Google oo dalka Maraykanka laga leeyahay ayaa dadka adeegsada ku wargelisay in mid ka mid ah adeegyadeeda ugu caansan dunidana aad looga isticmaalaa aanu hadda kaddib bilaa lacag ahaan doonin.

Adeegga lacagta laga dhigayaa waa Google Photos oo ay shaqadiisu tahay in uu dadka adeegsada u kaydiyo sawirrada muhiimka ah. hore lacag la’aan ayaa uu adeeggani u ahaan jiray laakiin imika shirkadda Google waxa ay sheegaysaa in marka la gaadho bisha lixaad ee 2021 ka uu noqon doono lacag.

Tallaabada kale ee aanay macaamiisha wax ku kaydsada Google ku farxi doonin ayaa ah in marka taariikhdaas la gaadho, ay shirkaddu faylasha caadiga ah ee uu qofku dhigto Google Photos in ay ku xisaabin doonto 15-GB ee ay qof kasta oo Google Akoon leh bilaa lacagta uga dhigi jirtauy. Taas oo macnaheedu yahay in sida hadda dhacda aanu qofku awoodi doonin in uu xog ku kaydsado Google Photos, iyada oo uu wada isticmaalay xaddigii Google drive ku u

ogolaa ee 15 GB ahayd. Laakiin warka farxadda leh ayaa ah in aanay shirkaddu lacag ka dhigayn sawirrada uu qofku Google Photos ku kaydsaday inta ka horreysa 1-da bisha Juun 2021 ka, balse sharcigan lagu dhaqayo sawirrada la kaydsado taariikhdaas kaddib. Sida oo kale lacagta bixinteeda qofka laguma qasbayo illaa uu ka buuxsamo xaddigii looga ogolaa Google Drive ka ee ahaa 15 GB oo bilaa lacag ah, laakiin marka uu kaasi buuxsamo waxaa qasab qofka ku noqonaysa in uu iibsado kaydka Google ka.

Waxaa la filayaa in isla taariikhdaas 1-da Juun 2021 ka ay shirkadda Google sii deyn doonto adeeg kale oo lagu kaydsan karo sawirrada iyo muuqaallada gaagaaban, kaas oo lacag la’aan ah laakiin tayo ahaan aad uga hooseeya adeegga lacagta laga dhigayo ee Google Photos.

Habkan cusub ee lacag ka dhigista kaydka sawirrada ee Google ku waxa uu saamayn doonaa dhammaan dadka isticmaala Google Photos iyada oo aan loo eegayn barnaamijka ay ka isticmaalaan in uu yahay Android, Microsoft ama IOS.