Oday Cabdi-Cawar Oo Beeniyay In Xildhibaan Dheeg Laga Saaray VIP-da

0
656

 

Hargeysa (Geeska)-Oday Cabdi Ibraahim Yuusuf (Cabdi Cawar) oo ka mida odayaasha magaalad Hargeysa ayaa beeniyay hadal ka soo yeedhay xildhibaan Maxamed Maxamuud Yaasiin (Dheeg), kaas oo uu ku sheegay  in dibada looga saaray qolka nasashada ee madaarka magaalada Hargeysa, xiligaas oo loo diyaar garoobaayey soo dhawaynta madaxweynihii hore ee xilka wareejiyey Md Daahir Rayaale Kaahin.

Oday Cabdi Ibraahim Yuusuf ayaa sheegay in hadalka xildhibaanka ka soo yeedhay yahay mid aan u fiicnayn umada iyo shaqsiyada xildhibaan Dheega. Cabdi Ibraahim Yuusuf oo arrinat xildhibaan Dheeg ka hadlaya ayaa yidhi  “ Waxaan ka jawaabayaa ninka la yidhaahdo Dheeg oo xildhibaan guurtida oo halkan ku qoran in VIP-da laga qabtay oo laga saaray. Aniguna waxaan cadaynayaa inuu VIP-da fadhiyey oo uu la fadhiyey maayarka iyo Faysal Cali Waraabe. Halkaasna uu ku cabaayey Bun.”

Wuxuu intaas raaciyay, “Marka uu ninku masuul umadeed uu yahay inuu sheego waxaan jirin waxa weeyaan wax aan wanaagsanayn. Waxaanan anigu leeyahay Dheegaw waxaas oo kale kuuma fiicna adiga iyo umada midna been abuurka caynkaas ahi.”

Oday cabdi Cawar, wuxuu cid kasta ku waaniyay inay ka dheeraadaan halada aan jirin oo uu xusay inay keeni karaan dhibaato badan.