Qarax Weyn Oo Ka Dhacay Qorraxda Oogadeeda Ayaa Looga Cabsi Qabaa In Uu Cadilo Isgaadhsiinta Dunida

0
593

Picture8Washington (Geeska)- Dabayaaqadii xaga, gaar ahaan maalmaha ugu dambeeya bishii Siddeedaad oo ah dharaaraha ay ugu jecel yihiin dadka dhulka qaboobaha badan ku nool oo qorraxda aad isugu dhiga, ayaa waxaa dunida ka dhacay qarax weyn oo saamayn taban ku yeelan karayey qaab nololeeda dunida, laakiin aanay cidi ka warqabin. Wakaaladda duulimaadada iyo hawada sare ee dalka Maraykanka oo magaceeda loo soo gaabiyo NASA ayaa sheegtay in qarax baaxaddiisu dhex-dhexaad ahayd uu Axaddii toddobaadkan ee 31ka Bisha Siddeedaad 2014ka ka dhacay qorraxda, kadibna ay raaceen in ka badan lix hir oo olol ah (Holac) oo dhacay labadii maalmood ee qaraxa ka dambeeyey oo noqonaya 2dii iyo 3dii bishan Sagaalaad (Shalay iyo dorraad), kaas oo ay wakaaladda NASA ku tilmaamtay in ay qudhoodu ahaayeen qaraxyo ay fallaadho xoog badani ka dhasheen.

Sawirro ay qaadday xarun ay leedahay wakaaladda NASA oo qaabilsan la socoshada qorraxda ayaa muujinaya holocaas iyo weliba qarax ka horreeyey oo sida muuqata ka dhacay dhinaca bidix ee qorraxda, gaar ahaan boqcad-qorraxeed lagu magacaabo ER2151. Warkan oo uu Geeska Afrika ka soo xigtay shabakadda wararka ee NBCNews oo laga leeyahay dalka Maraykanka ayaa intaas ku daraya in fallaadhaha dhibta leh ee ka dhalanaya qaraxani aanay ka soo gudbi karin galka ku dahaadha dhulka (Atmosphere), sidoo kale waxa khubarada ay soo xiganayso NBCNews waxa ay sheegayaan in aanay qaraxyadani wax dhibaato ah soo gaadhsiinayn dadka. Laakiin waxa ay khubaradu sheegeen in haddii fallaadhahani ay noqdaan kuwo ka cufan sida la moodayo ay dhici karto in ay saamayn ku yeeshaan galka hawada sare ee dunida ku xeeran, gaar ahaan lakabka ay ka dhex gudbaan fallaadhaha iyo Signallada uu adeegsado nidaamka caalamiga ah ee goobaha lagu xaddido ee afka qalaad lagu yidhaahdo GPS, sidoo kale waxa ay dhaawac gaadhsiin karaa fallaadhaha kala duwan ee isgaadhsiinta dunidu adeegsato.