Guriga Ay Ubadka Hablaha Ahi Kaga Badan Yihiin Wiilasha Ayaa Ka Farxad Badan Ka Innamada Badan

0
675

Cilmibaadhis cusub ayaa daah furtay in ubadka hablaha ahi guriga ku soo kordhiyaan ruux farxadeed, badhaadhe iyo xaalad deggenaanshiyo, halka ay innamadu guryaha kaga abuuraan buuq iyo diiqad. Daraasaddan oo uu Geeska Afrika ka soo xigtay idaacadda BBC-da laanta afka carabida ayaa cilmibaadhayaasha sameeyey ay ogaadeen in carruurta ku soo barbaarta guri ubadka ku nooli u badan yihiin ama gebi ahaanba yihiin hablo ay ka deggen yihiin kana miisaaman yihiin kuwo ku soo koray guryaha wiilashu ku badan yihiin. Daraasaddan oo ay samaysay jimciyadda cilmi nafsiga ee dalka Ingiriiska oo xarunteedu tahay magaalada Brighton ayaa intii ay socotay waxa ay xeel-dheerayaashu tijaabooyin iyo baadhitaanno cilmi ah ku sameeyeen 571 qof oo da'doodu u dhexeyso 17 sano illaa 25 sano.

Dhanka kale koox cilmibaadhayaal ah oo ka tirsan jaamacadda Ulster ee dalka Ingiriiska ayaa iyaguna daraasad ay sameeyeen waxa ay ku ogaadeen in qoyska ay ka mid yihiin hablo badani ay inta badan ka dareen farxadeed iyo furfurnaan badan yihiin kuwa ay ku badan yihiin innamadu. Tony Cassidy oo ah bare jaamacadeed oo ka mid ahaa khubarada samaysay daraasaddan ayaa mar uu sharraxayey natiijadan ay gaadheen waxaa hadalladiisa ka mid ahaa, “Cabbirista kalgacalku waa arrin aasaasi u ah caafimaadka nafsiga ah ee wanaagsan, jiritaanka habluhuna waxa uu qoyska ku xoojiyaa kalgacalka" Waxa kale oo ay daraasaddu sheegtay in innamadu inta badna aanay jeclayn in ay muujiyaan dareenkooda kalgacal iyo xattaa mashaakilaadahooda, gaar ahaan marka ay guriga ku nool yihiin wiilal badani, taas oo u keenta mashaakil nafsi ah. laakiin habluhu taas waa ay ka duwan yihiin, waalidkood kama qarsadaan dareenkooda kalgacalka ah mana la gabbadaan waxa ay tabayaan iyo mushkiladda haysata.