Qaar Ka Mid Ah Sababaha Keena Beer Xanuunka Iyo Basasha Iyo Toonta Oo Ka Noqon Kara Dawo Dabiici Ah

0
1306

Picture9Qahira (Geeska)- Daraasad cusub ay samaysay xarunta Qaranka ee cilmi baadhista dalka Masar ayaa shaaca ka qaaday in basasha iyo toontuba raad waxtar leh ku leeyihiin ka hortagga Virus-ka ku dhaca beerka Hepatitis-ka, waxa ay sidoo kale labadan geed yareeyaan astaamaha iyo taag-darrada uu xanuunkani ku keeno beerka qofka uu ku dhaco.

Waxa kale oo ay ay daraasaddani iftiimisay dhowr arrimood oo ay sheegtay in ay ka mid yihiin sababaha keeni kara jooniska, Fayraska beerka ku dhaca iyo guud ahaanba beer xanuunka, waxaana ka mid ah:

– Dawooyinka oo uu qofku u cuno si aan qorshaysnayn, xataa haddii ay yihiin dawooyin si caadiya dhakhtarku ugu qoray waxaa looga baahan yahay in uu ilaaliyo xaddiga loo fasaxay in uu ka cuno iyo waqtiyada saxda ah.

– Cuntada iyo Biyaha iyo guud ahaan cabbitaanka qofku qaadanayo oo wasakhi gaadhay.

– Cuntada iyo biyaha oo ay gaadho ama la falgasho sunta xasharaadka iyo cayayaanka lagula dagaalamo.

Waxaa ka mid noqon kara sunta beeraleydu u isticmaasho in ay dalagga soo baxay kaga ilaaliyaan xasharaadka, suntaas oo inta badan la falgasha geedka oo markaas weli ku jira marxaladdii bixitaanka oo aan u dhamaystirnayn. Marka ay sidaas tahay waxa uu Geeska Afrika akhristayaashiisa iyo guud ahaan dadka Soomaaliga ku hadla uga digayaa in ay ka feejignaadaan geedka Qaadka oo la sheego in xilliga uu bixitaanka ku jiro ay beeraleydu si aad ah ugu isticmaasho suntan oo daraasado kale ay sheegeen in ay keeni karto cudurro kale oo uu ka mid yahay Kansarku.

Natiijada daraasaddan oo uu Geeska Afrika ka soo xigtay wargeyska caanka ah ee Al-Ahraam oo ka soo baxa dalka Masar waxa kale oo ay sheegaysaa in sababaha kale ee keeni kara beer xanuunka noocyadiisa khatarta ah uu ka mid yahay isticmaalka daroogada.

Ugu dambayntiina waxa ay ku talisay in ay jiraan qaabab dabiici ah oo beer xanuunka looga hortegi karo, loolana dagaalami karo, waxaana kam id ah in qofku uu isticmaalo saliidda laga saaro geedka basasha iyo  toonta oo labaduba yareeya raadadka uu jooniska iyo guud ahaan beer xanuunku kaga tago beerka, isla markaana ay kor u qaadaan shaqo wanaagga iyo bed-qabka shaqada beerka.