Qaranimda Iyo Qabyaaladu Waxay Isku Yihiin Dab Iyo Baaruud Somalilandna!!

10
762

noogeHaddey Somaliland tahay jamhuuriyad ka dhalatey halgan dheer oo dad badani u soo dhinteen si aan ugu noolaano sinaan iyo cadalad, la rabayna  in ummadani noqoto qaran qudha oon qolo-qolo lahayn. Maanta taas lama hayo ee waxaa jirta ummad qarannimadeedi ku badalatey qolo-qolo. waxaana hubaal ah oo tariikhdu ka marag kacaysaa in qaranimada iyo qabiilku isku yihiin dab iyo baaruud. Somalilandna maanta waa dal labadaas meel isugu geeyay. Inta badana dawladaha Afka Somaliga lagaga hadlo baqaha ugu weyn ee u horseedi kara burbur waa qabyaalada.  Qabyaaladu waxay Somaliland ka dhigtey in Somaliland ku suntanaato waxaa loo yaqaan fragile state oo ka dhigan qaran aan lugo-adag ku tagneyn oo burburi kara sacad kasta. Marka ay qarankeena loo aqoonsado fragile state waxay taasi ku keenaysaa in maalgashadayasha aduunku ay ka baqaan in ay maalkooda ku aaminaan qaran burburi kara saacad kasta sidoo kalena ay aduunyadu ay inagu amini weydo aqoonsiga oo ah himilda shacabka Somaliland.

Qabyaladu waxay Somaliland dhaxal siisay in Somaliland noqoto meel haddii kubad la ciyaarayo ay ka dhigan tahay qabyaaladii oo koob loo dhigay, meel magaalooyinkeedu xudud qabiileed leeyihiin, meel marka lays dooranayo tolaayeeydu shaqeyso, meel aqoontii, kartiidii, dacadnimadii lagu xulan lahaa qofka qaran matali kara shuruud looga dhigay horta qabiil ma leedahay, meel loo kala sareeyo oo loo kala badsado (waxaa reer galbeedku ugu yeedhaan national-cake ee inaga afkeena ku noqoneysa national milk waayo dhaqankeenan inagu waxaynu wadaagnaa canaha) meel loo kala badsado caanaha qaranka sida qabiilooyinku u kala tun weyn yiin kursiguna yahay kaltan iyo waa markayagii.

Sidaas darteed haddeynu rabno in ay dhisano qaran waaritaan leh, waa in shacabku iyo kuwa xilka u hayaaba guntiga u giijisataan sidii Somaliland dhexdooda looga suulin lahaa qabyaalada oo ah Boogta Somaliland. Dalkani way adagtahay in uu horumaro ilaa la helo  ummad qolo-qolo deysay oo qaran noqotey oo is ogol. Ummad dalka iyo magaalooyinka wadda leh ee aan kala lahayn. Ummad kuwa isla tunka weyni ay ay u tanasulaan kuwa laga tirada badan yahay si cid waliba ay u dareento in dalkan la wada leyahay.

Si ay inoogu waarto waa in si siman oo cadaalad ah kolba cidii hogaanka haysaa ay ugu qaybiso shacabka  caanaha qaranka. Man aha aha in lagu kala badsado Caanaha qaranka sida loogu kala dhawyahay daarta madaxtooyda ama sida loo kala yaqaan culays saarka kuwa go’aanka gacanta ku haya ee taas badelkeeda waa in  Baahiyaha dalkan iyo dadkaba loo kala hormariyaa sidey u kala mudan yihiin.

Jidka loo marayo in la dhiso qaran dhidibo adag ku taagan oo bila qabyaalad ah waa mid dheer kana maarmi-meyno in aynu shacab ahaan xiliyada doorashooyinka doorano hoggaamiyaal qaran matali kara oo aan ku suntaneyn xil ku doonka sadka qabiilka inala hadhey. Waana in aynu abaabulno dhaqdhaqaaqyo ka dhan ah qabyalada iyo siyaasiyiinta daraja ku doona tolaay reer hebelow.

Xukumada maanta Jirtana waa in ay qayb ka ahaato dadaalada lagu asayo qabyalada iyada oo dhaqaale ku bixinaysa in laga doodo sida qabyaaladu ugu tahay qarankan cawaqib xumo iyo sun loo sii beerayo jiilka soo koraya iyo kuwa dhalandoona kuna abaabushaa in hal abuurku curiyo sugaan ka dhan ah qabyalada. 

Shacabkuna waa in uu dhawaaq dheer ku yidhaahdo madaxweynaha’yagoow  noo soo dhis  Xukumad xul ah, xilkas ah,  hawl kar ah, oo xubno ay ka yihiin dhalinyaro-dhiig cusub oo qarankan ka sara qoloqolada kana gudubtey xuduudaha qabiilka tiradooduna kooban tahay oo aanay ka badneyn 18 wasiir, Koox xilka soo celin karta oo is casili karta hadey arkaan in shacabku anuu ku qanacsanayn hogaamintooda. Koox ku tilmanaanta in ay yihiin Halyeeyo dacadoo qaran loo socay oo wada matala dhamaan qabilooyinka iyo gobolada dalka.

Koox dadka ku hogaamisa Yool /himilooyin ku dhisan aragti xeel dheer oo ka durugsan danaha qabiilka. Koox  ku qiyaas qaadata odhaahda caan baxdey ee uu yidhi Amiirka Dubai taas oo odhanaysa waxaan guul ka soo hoyay Dubai kama dhigna boqolkiiba toban(10%) waxaan ugu riyoonayo Dubai, koox u wada riyoota qaranka ee aan u riyoon qabiilooyinka ay ka soo jeedaan!! Warqadkale oo ka dhan ah qabyalada iyo malin kale

Comments are closed.