Dhir Laga Cabsi Qabo Inay Xidho Madaarka Borama

0
781

boramBorama(Geeska)-Garoonka diyaaradaha ee magaalada Boorama oo sidiisa caadiga ah sanadahan dambe iska noqday meel haawanaysa oo aanay shaqo ka socon ayaa waxa tan ugu biiray dhir badan oo ka baxday badhtamaha iyo agagaarka dhabadii ay diyaaraduhu ka soo dagi lahaayeen.

Arrintan ayaa waxa ay taabatay masuuliyiin iyo dad kale oo u badan dhalinyaro kuwaasi oo ka damqaday dhibta ka jirta garoonka waxana dhalintaasi oo uu horkacayo isuduwaha duulista iyo hawada ee gobolka Awdal Cabdi Ibraahim Axmed uu sheegay inay hawl balaadhan ka qabteen garoonka.

Isuduwe Cabdi Maroodi waxa uu yidhi “ Meeshan waxa aan ka haynaa hawl ku aadan sidii aan dhira uga jari lahayn garoonka, dhirtaasi oo noqotay mid ka baxday bartamaha iyo hareeraha jidkii ay diyaaraduhu ka haadi lahaayeen, waxa hawshan igala qayb qaadanaya dhalinyaro badan oo mutadawiciin ah oo isku xilqaamay inay garoonka baneeyaan, waxana ay dhalintaasi ku rajo wayn tahay in maalin maalmaha ka mid ah ay garoonka diyaarado ka soo dagaan”.Garoonkan ayaa sanadahii u dambeeyay oo dhan ah meel xero u noqotay xoolaha nool iyo dadka baranaya baabuurta, waxa fashilmay oo aanay waxba ka qabsoomin isku dayo badan oo la rabay in garoonka looga dhigo mid shaqeeya, dhibta ugu badan ayaa waxa ay garoonka ka haysataa dad dhul boob ah oo ku soo durkaya habeen iyo maalin xadkii uu lahaa garoonku.

Dhinaca kale dadka ku nool gobolka Awdal inkasta oo ay dareemeen xanuunka safarka dibada ee baabuurta loogu daabulo garoomada Hargaysa ama Berbera, hadana waxa lagu eedeeyaa dadka gobolka inaanay iyagu diyaar u ahayn in garoonkani shaqeeyo sababta oo ah iyaga oo marar badan ka maaga ama ka hor yimaada hindisiyaasha lagaga shaqaysiinayo garoonkan.