Gudoomiyaha Jaamacadda Dalarna Oo Booqasho Ku Yimid Jaamacadda Hargaysa

0
580

naagHargeysa(Geeska)-Jaamacadaha Hargaysa iyo Dalarna ayaa wada leh xidhiidh wada shaqayneed iyagoo labada Jaamacadood si wada jir ah u wada Master of Midwifery oo markii u horeysay dalka laga hir galiyay.

26 arday oo ka qalin jabiyay Jaamacada Hargaysa iyo Amoud ayaa ka faaiidaysta barnaamijkaasi si ay uga qayb qaataan horumarinta adeega caafimaad ka ee dalka. Ardaydaasi ooh ore u soo dhamaystay degreegoodii Nursing ka oo ay Jaamacada Hargaysa iyo Amoud ay ka qalin jabiyeen.

Barnaamijkan Master ta ah ayaa ku baxa habka Distance Learning ka (Elearning) ama waxbarashada fog.

Gudoomiye ku xigeenka Jaamacadda Hargaysa Dr. Derie Ismail Ereg ayaa warbixin ka siiyay Jaamacadda Hargaysa iyo guud ahaan sida guusha leh ee uu u hirgalyay barnaamijyada ay Jaamacadda Hargaysa la wado Dalarna University. Dr. Derie wuxuu uga mahad naqay Gudoomiyaha Jaamacada Dalarna booqashadeeda ay ku timi Jaamacada Hargaysa iyo guud ahaan dalka Somaliland, Iyadoo halkaasi lagaga wada hadlay sidii loo bilaabi lahaa barnaamijyo cusub oo wada shaqayneed isla markaana sidii loo sii horumarin lahaa barnaamijyadii socday.

Gudoomiyaha ururka Nurses ka ee – Somaliland Nursing Association Marwo Fawzia Ismail oo kaalin weyn ka qaadatay hirgalinta barnaamijkan ay hada ka faaiidaysanayaan 26 ka arday, Marwo Fowzia waxay ka warantay faaiidooyinka uu u leeyahay dalka barnaamijkan ay labada Jaamacadood wada wadaan, isla markaana waxay ka war bixisay jaran jarooyinkii uu soo maray barnaamijkani.

Marwo Faduma Osman oo ka tirsan macalimiinta barnaamijkan kuwada Habka Distance learning ka isla markaana ah qof ka suuro galiyay in barnaamijkani ka hir galo Somaliland ayaa iyana ka sheekaysay sidii uu ku bilaabmay barnaamijkani isla markaana waxay Fadumo uga mahad naqday Jaamacada Dalarna sida ay u hir galisay barnaamijkan isla markaana ugu dhiiradeen in maamulkooda sare uu yimaado dalka Somaliland.

Gudoomiyaha Jaamacada Camuud Professor Sulaiman oo isna kulanka ka soo qayb galay ayaa ka waramay Jaamacada Camuud iyo sida uu uga socdo Barnaamijkan Master ta ah ee Dalarna University ay ka wado Jaamacadda Camuud.

Gabo gabadii waxay madaxda Jaamacada Dalarna kulan la yeesheen ardayda wada barnaamijka Masterta ah oo ku sugnaa madashoodii waxbarasho, halkaasi oo ay warbixino isku waydaarsadeen ardayda iyo maamulku.

Waxa sidoo kale kulankaasi ka qayb galay Hormuudka kuliyada Nursing ka ee Amoud, John Minto madaxa horumarka ee kuliyada waxbarashada ee Dalarna, Susana iyo xubno sare oo ka tirsan Maamulka Jaamacada Dalarna University.