Qaramada Midoobay Oo Hawadii Somaliland Iyo Somaliya Gacanta U Gelinaysa Dawlada Muqdisho Iyo Halista Ka Soo Socota

0
565

Muqdisho(Geeska)-Hay’adda Qaramada Midoobay ee ICAO ee gacanta ku haysa hawada Somaliland iyo Somaliya tan iyo markii ay burburtay dawladii Maxamed Siyaad Barre, ayaa hadda go’aansatay inay ku wareejiso dawladda Xasan Sheekh Maxamuud ee Muqdisho.

Saraakiil ka socota Qaramada Midoobay iyo dowladda Somaliya ayaa shalay magaalada Muqdisho ku yeeshay kulan ku saabsan sidii Somaliya loogu wareejin lahaa maamulka duulimaadyada hawada ee Somaliya.

Hay’adda ICAO, oo gacanta ku haysa hawlaha maamulista hawada Somaliland iyo Somaliya oo ay xarunteedu tahay dalka Kanada, ayaa go’aankan gaadhay, waxaana dalka Kanada laga soo diray sarkaal ka tirsan ICAO oo kooxda CACAS ee ay hay’addan qandaraaska kaga qaadatay maamulista hawada oo uu fadhigeedu yahay Kenya ku wargeliyay in maamulista hawada lagu wareejiyo dawladda Somaliya, waxaana shalay uu kulan dhex maray masuuliyiinta ICAO iyo CACAS iyo dawladda Somaliya, kaas oo ka dhacay Muqdisho. Wasiirka warfaafinta Somaliya ayaa sheegay  in dawladoodu ay bilowday soo wareejinta maamulka hawada.

Xukuumadda Somaliland ayaan ka hadal go’aankan oo halistiisa leh, waxaanu go’aankani ku biirayaa go’aankii ay Qaramada Midoobay hore u gaadhay ee ahaa in xarumahooda Nayrobi degen ay u soo wareejiyaan magaalada Muqdisho taas oo noqonaysa in hay’adaha Somaliland ku sugani ay amarada ka soo qaataan magaalada Muqdisho iyo dawladda Somaliya.

Si kastaba ha ahaate, xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ayaa u muuqata inay shacbiga u sikhirayso go’aamada culculus ee ay beesha caalamku doonayso inay cadaadis ku saarto Somaliland iyo shacbigeeda, kuwaas oo u baahan in lagaga hortago siyaasado furfuran oo dunida la jaanqaadi kara.