Mudaharaad Dhimasho Iyo Dhaawac Keenay Oo Shalay Gilgilay Burco

0
513

Burco (Geeska) – Hal Qof ayaa ku dhintay, mid kalena wuu ku dhaawacmay rabshad shalay galinkii hore ka dhacday Magaalada Burco ee xarunta Gobolka Togdheer, ka dib markii dirawalada gaadiidka iska roggooyinku ka gadoodeen amar ahaa in aanay ciidda ka gurin inta u dhaxaysa labada biriij ee dooxa Burco.

Hal nin oo ka mid ahaa dadkii ku hawlanaa dejinta gadoodka Dirawaliinta gaadiidkaasi, ayaa ku dhintay rasaas xoogle oo ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee RRU ku fureen dadkii rayidka ahaa ee mudaharaadkan dhigayey, waxaana sidoo kale rasaastaasi ku dhaawacmay nin kale.

Rasaasta dhimashada iyo dhaawaca keentay ee ciidamada RRU-da, ayaa keentay in dadku ka cadhoodaan isla-markaana dhigaan mudaharaad gilgilay Magaalada Burco, iyagga oo dhagax ku tuurayey ciidamada RRU-da oo iyaguna rasaas nool ku riddayey dadka rayidka ah oo u badnaa dhalinyaro si ay u kala kaxeeyaan.

Mudaharaadayaasha oo sidoo kale taayiro ku gubay qaar ka mid ah jidadka Magaalada Burco, ayaa waxa sida ay wax  u dhaceen iyo halka iyo dhibaatadu ka timid sharaxay Maayarka Magaalada Burco oo sheegay in mushaakilku sii kordhay markii ciidamada RRU-du si lama filaan ah dadkii rasaas ugu fureen.

Maayarka Burco Maxamed Muraad  Cabdiraxmaan oo arimahaa ka hadlayaana waxa uu yidhi  “Anigu waan ka maqnaa Xafiiska Markay arrintu bilaabmaysay waxaana la ii soo sheegay in xaruntii dawladda hoose ay ku xeersan yihiin Iskarogooyinkii noo shaqeynayay, markaan goobtii imid waxaanu ka hawlgalnay in la xidho darawaladii soo abaabulay rabshada, iyadoo ay iska kaashanayeen ciidanka dawladda hoose iyo Taliyaha Saldhiga dhexe oo goobta yimid, markii aanu intii badnayd darawaladii rabshada waday xidhnay, gawaadhidii iska roggooyinka ahaana aanu ku xaraynay xarunta dawladda hoose, ayaa waxa goobtii si aan la isku ogayn u yimid ciidamada RRU, kuwaas oo rasaas furay, nasiib darro waxay rasaatii ku dhacday laba ruux oo ka mid ahaa dadkii noosoo gurmaday ee na caawinaayay,  labada qof oo midna dhintay midna uu dhawaacmay.”

Maayar Muraad oo la waydiiyay cidda ciidanka RRU amarka ku siisay inay halkaa tagaan ayaa ku jawaabay “Garan maayo sababta ay u yimadeen, badhisteediina waanu ku jirnaa” ayuu yidhi.

Sidoo kale, waxa isaguna rabshadahan ka hadlay badhasaabka Gobolka Togdheer Axmed Cumar Xaaji Cabdilaahi (Xamarji), waxaanu sheegay inay ka xun yihiin dhibaatada dhacday, waxaanu Tacsi u diray labadii qof ee midna dhintay, midna dhaawacmay.

 

y ku?Ha ?,?'dada Salaxlay Hargeysa inay dhamaato, waxay inoo hibeeyeen oo ay inoo amreen inay rumeeyaan qadarkii ay gudidii beesha ee wadada waday ay ka codsadeen, waxay ku dareen intaasi idinkuma filnee aanu idinla dhamayno ilaa Salaxlay. Dadka qabyaalada inagaa ugu da’ waynayan oo boqorbaabaynu u lahayn markaas qabyaalada dhiniceeda wanaagsana waa in aynu boqor ugu noqonaa, Somaliland Saaka waxa laandheere ah ninkii wado todobaatan Km ah dhameeya.”

 

Wasiirka caafimaadka Dr.Xuseen Muxumed Maxamuud (Xusen Xoog ) ayaa isaguna sheegay in madaxweyne Siilaanyo uu wadada ugu deeqay deeq tusaale mudan  “ Madaxweynaha waxaynu waydisanay 20Km inuu inoo dhiso, waanu inoo qariyay oo waxa uu yidhi waxaan kaga qayb qaadan-doonaa wadadaas wax cidii idinka danbaysa ee doonta inay wax qabsata diiri galin fiican u noqda, markaas wabuu inooga badiyay oo maanta waxaynu haysnaa ilaa maalinta wadadaas aynu gaadhsiinayno Ina-Guuxa marka aynu  5Km dhisnaba in dawladuna ay intaas intaada dhisayso markaas inta dawlada ku soo hagaagaysa waynu garan karnaa inay intaynu codsanay ay ka badantahay.”

Ugu danbayntii waxa xafldan kooban ee dhagax dhigista ah soo gunaanaday wasiirka madaxtooyada Xirsi Xaaji Cali Xasan oo isagu dhagax dhigay wadadan waxaana hadalkiisa ka mid ahaa “ Runtii farxad ayay iitahay inaan maanta dhagax dhigno 5Km ee ugu horeeyay intii ka danbaysay intii ay qabteen deegaanku, madaxweynaha  Somaliland balanqaadkii uu halkan ka sameeyay waa uu ka dhabeeyay oo waa uu nagu soo diray anaga oo fulinayna intii ugu horaysay waanagaas dhagax dhignay, kana hadhi mayno intay wadadu dhamaanayso insha allaahu, waxaan leeyahay deegaanka iyo dadka kaleba halaga  qaybqaato gacmaheena ayaynu wax ku qabsan karnaa oo qof waliba gacantiisa ayuu biyo kaga dhargaa.”