Dagaal Siyaasadeed Oo U Bilaabmay Xukuumadda & Faysal Cali Waraabe Iyo Weedhaha Warmaha Ah Ee Ay Isdhaafsadeen

0
512

faysalHargeysa(Geeska)-Xukuumadda Somaliland ee Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa dagaal siyaasadeed oo dhinacyo badan ku qaaday guddoomiyaha xisbiga UCID Md. Faysal Cali Waraabe oo dhawaan kulan kula yeeshay dalka Ingiriiska Madaxweynaha Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wasiirkiisa khaarajiga Marwo Foosiya Yuusuf Xaaji Aadan.

Wasiirada warfaafinta iyo madaxtooyada Md. Abiib Diiriye Nuur iyo Md. Xirsi Cali Xaaji Xasan, ayaa Faysal Cali Waraabe ku cambaareeyay kulankaas uu la yeeshay Madaxweynaha wadanka Somaliya, waxaanu wasiirka warfaafintu sheegay inay xukuumadu ka baaraan degayso talaabada ay ka qaadayso Faysal Cali Waraabe. “Sidaad la socotaan website-yadda waxaad ku arkayseen Faysal Cali Waraabe oo la cashaynayay madaxwaynaha Soomaaliya iyo Wasiirkiisa khaarajiga runtii arrintaasi layaab ayay Somaliland ku noqotay shacab iyo xukuumadba, mahadho ayay noqotay oo dadkii jahwareer ayay ku riday , waayo Faysal ma aha nin caadi ah waa gudoomiyihii xisbiga mucaaridka ee UCID waxa uu ka mid ahaa ergadii madaxaweynaha u raacday Turkiga ee wadahadalada aanu Soomaaliya la galaynay ayuu ka mid ahaa.” Ayuu yidhi WasiirAbiib oo intaas raaciyay, “Markaa dadkii isagoo taa og waxa wax lala yaabay noqotay inuu hadana halkan ka fudkudiyay, go’aan baa la soo wada qaatay shirkii London waynu diidnay inaynu ka qayb galno sababtuna waxay ahayd madaxaweynaha Soomaaliya ayaa shir gudoominayay go’aan baa la soo qaatay, Faysal go’ankaa wuu la soo qaatay ka mid buu ahaa cida go’aankaa qaadatey. »

Wasiirka Warfaafinta oo hadalkiisa sii watay waxa uu yidhi ‘Dadku arrintaas qof sida uu doono ayuu u turjumanayay qaar Faysal ku tilmaamayay khaa’inul waddan laakuin, anagu odhan mayno, waxaan leenahay Faysal maadaama uu gudidaas ka mid ahaa maadaama aanu (mandate) u haysan, waxa xilka umaddu saaran yahay oo (mandate) haysta madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) inuu albaab walba oo danta qaranku ku jirto garaaco oo waliba waxaynu ognahay marka arrimahan oo kale uu kala tashado golayaasha qaranka”.
“Faysal gudoomiyihii xisbi mucaacida ah inuu halka tago oo uu hor fadhiisto raggii aynu is haynay ee aynu diidanayn, arrintaasi la yaab bay ku noqotay,”ayuu yidhi Wasiirka Warfaafintu.

Wasiirku waxa uu intaasi ku daray “Faysal wad kawar-haysaan in badan ayay afkiisa ka soo baxaday shir qaran hala qabto, waxaan leenahay waxa uu u ham iyo dig lahaa halkan (Soomaaliya) ayay ahayd, waxa igu maqaalo ah jaraa’idka oo qaarkood arrintaa wax ka waydiiyeen inuu dafiray arrintaasina arrin la dafiri karo ma aha.”

“Faysal ninkii ugu fogaa ayuu ahaa dawlada Somaliya ayaanu odhan jirnee isagu waxa uu odhan jiray walawayn, waxa maanta isbedalay iyo halka Faysal tagay iyo sida uu yahay jawaabteeda dadka ayaa ka jawaabi doona, baroortu orgiga ka weyn,”ayuu yidhi Md. Abiib Diiriye.

Wasiirka Warfaafintu waxa uu ku dooday in Guddoomiyaha UCID u socdo dhinaca Soomaaliya, isagoo arrintaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Anigu waxaan aaminsan nahay in Faysal xagaa (Soomaaliya) uu u socdo. Dadkuna way ogaadeen, dadka isagaa qaranimada dalka leh anagu (xukuumada) adeegayaal ayaanu u nahay in shacabku ka hadlo oo uu soo jeedo oo shacabku ka u xiiraya iyo ka hool-hoolaya kala ogaado waa lagama maarmaan”

Wasiirka madaxtooyada Md. Xirsi Cali Xaaji Xasan, oo isna shalay magaalada Hargeysa kula hadlay weriye ka tirsan Geeska Afrika, ayaa isagoo mawduucan ka hadlaya wuxuu yidhi, “Waxaan u arkaa kulankaas uu kula kulmay isaga oo kaligii ah mid aanu Somaliland ku matalin, inay qalad tahay in dawlada Somaliya madaxdeeda khaas ahaan madaxweynaha inay madaxda Somaliland la kulmaan, dawlada oo fasax golayaashu u siiyeen mooyaane, qalad-baan u arkaa oo inuu qaldanaa ayaan u arkaa, waan dhaleecaynayaa, waanan ka soo horjeednaa, waxaanan runtii u arkaa fikrad qaldan.”

Jawaabta Faysal

Guddoomiyaha xisbiga UCID Md. Faysal Cali Waraabe, oo ku sugan dalka Ingiriiska, ayaa si kulul dhinaciisa uga jawaabay eedaymaha lagu xidhiidhiyay, waxaanu sheegay inuu yahay hoggaamiye xisbi oo xaq u leh inuu la kulmo cid kasta oo uu u arko inay danta Somaliland ku jirto, waxaanu meesha ka saaray eedaymaha uu wasiirka warfaafintu u jeediyay ee ah inuu ka laabtay qaddiyadda madaxbanaanida Somaliland. “Aqoonada darada dawladda Somkaliland wasiiradeeda ayaa muuqanaysa oo ah inaanay lahayn tayo wasiirnimo oo aanay adduunka kala aqoon, sharciyad uma leh ayuu gees ka leeyahay wasiirku, waxa ka khaldan inaan xisbi madax u ahay oo siyaasad gaar ah yeelan karo, markii ay dawladii Daahir Rayaale diiday shirkii Donalad Payne uu Maraykanka ku qabtay waa kii Silaanyo  ka qayb galay, waxaaana hadalka wasiirka ka muuqata hinaase ah maxaanu annagu ula kulmi weynay.”

Faysal oo la suaalay wuxuu kaga jawaabi karo doodda wasiirka warfaafinta ee ah inuu khiyaamo ku kacay, wuxuu ku jawaabay, “Somaliland anigaa iyaga la iga aaminsanyahay, shacbigu waxay yidhaahdaan faysaloow adaanu ku aaminsanahay, Xasan Sheekh waan salaamay, qofka markay wax kaa dhexeeyaan saaxiibtinimo ayaa laga samaystaa ee cadow lagama samaysto.”

Faysal oo London saxaafadda kula hadlay waxa su’aalay bal sida uu u arko hanjabaadda xukuumadda ee ah inay ka tashanayaan talaabada ay ka qaadayaan wuxuu ku jaaabay, “Abiib Timcad [Wasiirka warfaafinta] qof uu u diidi karo Somaliland oo uu xukun ku qaadi karo waan ka culusahay. Anigu sirri daali ayaan ahay oo waxyaabo badan ayaan banaanka soo dhigi doonaa.”