Qalinka Iyo Waayaha:Prof. Yuusuf Goodir Maxamed

0
628

Haddii Ilaahay ina solon siiyo kani wuxuu noqon doonaa qormo totobaadle ah oo laga dheehan karo mawduucyo kala duwan. Kuwaas oo ay ka mid yihiin, waxyaabaha samaynta ku leh guusha qofeed ama la xidhiidha nolosha, siyaasadda iyo geedi socodka Somaliland, dhaqaalaha, dunida islaamka iyo kulaylka ku baxaya, aqoonta iyo aqoon yahanka. Qormadda ugu soo horaysaa waa Siyaasadda Arimaha debedda. Waxaa ku xiga laba ama saddex kale oo dhamaystiraya, kuwaas oo aynu ku magacownay tiirarka ay ku taagan tahay siyaasadaasi, waana mid arimo gudeed, hore u marineed iyo gaashaandhigeed.

Aan tilmaan ka bixiyo cinwaanka aan qaatay oo aan igu cusbayn. Qalinka waynu naqaan, laakiin in yar ayaynu ka naqaan wuxuu gudo iyo wuxuu galo. Waxaan odhon karaa la’aantiis aadamuhu wax buuran kama duwanaadeen xayawaanka, taasoo macneheedu yahay astaan lid ku ah gumuca nafta jara. Si kale haddaynu u dhigno qalinku waa markhaati u dhexeeya qofka iyo waayaha. Quraanka Ilaahay wuxuu ku dhaartay qalinka, Subxaan Allaah!, sugaanteenana way ku aslan tahay, Hadraawi, wuxuu lahaa, “qalinkaa wax suureeya.” Qalinku wuxuu godlaa maskaxda, gaar ahaan marka ay wax suuraynayso (imagination,) sida hashaba loo godlo marka la lisayo.

Erayga waayuhu waa duruufaha xidhiidhiya qofka iyo wakhtiga, gaar ahaan marka aanay noloshu raali gelin aadamaha. Duruufuhu ma qofka ayay ka yimaadaan, mise wakhtiga ayay la socdaan? Si kale haddaynu u dhigno guuldaradda qofka  ku habsatay ma isagaa u sabab ah, mise falkiisa way ka baxsan tahay? Erayga qofka halkan waxaa ku lamaan bulshadda. Guuldaradda qofka ku timaadaa waxay ku xidhiidhsan tahay jahliga hadheeyey.  Akhris Wacan