Xildhibaan Qabile Oo Ka Waramay Qaabka Uu U Dhacay Weerarkii Lagu Qaaday Iyo Hadalada Ay Isdhaafsadeen Dableyda Soo Hujuuntay

12
697

Picture5Hargeysa(Geeska)-Xildhibaan Maxamed Faarax Qabile,ayaa markii ugu horaysay ka hadlay rasaas lagu riday habeen hore,isaga oo maraayay duleedka hotelMaansoor magaalada Hargeysa.

Waxa uu xildhibaanku sheegay in qofka rasaasta ku soo riday oo uu garanaayay uu waydiiyay sababta ay khaatiyaanka  uga joogaan ‘ragga hablaha ka qabaa’,waxa kale oo uu xusay gaadhiga rasaasta lagaga soo riday inay tiro rag ahi saarnaayeen,waxaana xusid mudan in aan xildhibaanka rasaastaas waxba aanay ka soo gaadhin.

Waxa uu sidan ku sheegay xildhibaan qabiile waraysi gaar ah oo uu siiyay wargeyska Geeska Afrika waxaana xildhibaanku isaga oo  dhacdadaas  ka sheekaynaaya uu  yidhi “Waxay ahayd 7:05 fiidnimo,waxaanan marayay meel u dhaw hotel Maansoor aniga oo doonayay madaxa xafiiska imtixaanaadka Daa’uud,markaas nin baa igala hadlay gaadhi naga soo daba laabtay oo anaga oo meel istaagnay nagu ag qabtay,Markaas su’aal kaliyaata ayuu i waydiiyay inta uu igu yidhi xildhibaan,cid uu markas tibaaxay [cid uu xusay] uu yidhi maxay khaatiyaan kaaga joogaan, markaas waan iskaga dhaqaaqay oo ninka waan garanaayay iyo nin dhanka kale shidhka gaadhiga kala saarnaa,xagga danbana rag baa gaadhiga ka saarnaa muraayada dalacday oo aanan arkayn. Dhaqaaqdaan ka dhaqaaqayba xabad ayuu gaadhigii dulmariyay, gaadhigii intaan joojiyay ayaan ka soo dagay oo gaadhigoodii oo reefis u baxaaya iyo ninkaas baaskoolada gaadhiga kala soo jeeda, markaas haddana laba xabadood ayuu is raac iigu riday. Aniga oo cadhaysan ayaan xagiisii u dhaqaaqay,gaadhigii waa uu is kala xeelay oo wadada Maansoor ayuu dib ugu noqday, nin dhagax ka qabanaayana muu ahayn oo markii hore waxaan is idhi waa uu qalibmayaa,sidii baanu ku tagay.”

Xildhibaanka oo hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi “Saddexdayadii qof ee aanu ku wada soconay waxaanu nimi saldhiga Koodbuur oo aanu dacwadii iyo markhaatiyadiina gaynay,sidaas ayaanan gurigaygii ku tagay danbi baadhistii iyo taliska ciidankaba waa uu gaadhay.”

Xildhibaan  oo la su’aalay bal inuu carabaabo dadka uu ninka hubka ku riday u doodayay wuxuu  yidhi“Hablahayaga ragga qabaa maxay maalin kasta khadyaan kaaga joogaan, ayuu igu yidhi. isagaana sharaxi doona kalmadaas.”

Falkan ayaa ah mid ku cusub Somaliland, waana markii u horaysay ee inta la ogyahay siyaasi mucaarad ah si toos ah loo abaaro.

Comments are closed.