Hay’adda SOFHA Oo Soo Gabagabaysay Aqoon isweydaarsi Ku Saabsaan Kala-korinta Ubadka

0
2145

sofha eeHargeysa (Geeska) Hay’adda SOFHA oo kaashanaysa wasaaradda diinta iyo aw-qaafta Somaliland iyo Hayada PSI ayaa Aqoon iswaydaarsi saddex maalmood socday u soo gabagabaysay qaar ka mida culimada dalka oo ka kala yimi gobolada, Sanaag, Awdal, Maroodi-jeex, Saaxil iyo Togdheer. Kulankaas ayaa waxa  lagaga hadlaayey caafimaadka hooyada iyo diinta Islaamka.

Kulankan oo ka socday Hotel Ambassador waxaa ugu horayn furay Cabdifataax Mahad Qaasim oo ah madax barnaamijyada Hay’adda SOFHA.  Waxa uuugu horayn u mahad naqay ka soo qayb galayaashii. Cabdifataax waxa ugu horayn u sheegay culimada   in aqoon is waydaarsigan lagaga  hadli doono caafimaadka hooyada iyo wax ay Diinta Islaamku ka tidhi iyo sidii waxa kulankan ka soo baxa bulshada loo sii gaadhsiin lahaa.  “caafimaadku wuxuu ka mid yahay baahiya koowaad ee ay bulsho ku noolaato, gaar ahaana caafimaadka hooyada, caafimaadka hooyada waxyaabaha aynu ku daryeeli karno waxaa ka mida inaga oo xarumo caafimaad dhisna, kor u qaadna tayada xarumaha caafimaad  iyo iyadoo culimadu samayso wacyi gelin ku saabsan caafimaadka hooyada ee dhinaca diinta.

Waxaa sidoo kale isna halkaasi ka hadlay Maxamed Cumar oo ahaa madaxii hore ee mashaariicda hayada SOFHA imikana ah gudomiye ku xigeenka Ha’adda shaqaalaha Somaliland:

“Waxaa laga maarmi waayey in Hay’adda SOFHA iyo culimada goboladu sidii ay iskaga kaashan lahaayeen sidii hooyada, dhalaanka iyo qoyskuba badbaado loogu heli lahaa. Qoysku wuxuu ka mid yahay qaranka, hadii aanu qoys jirin qaran ma jiraayo, sidaas daraadeed qoysku wuxuu u baahan yahay in la xanaaneeyo, wuxuu u baahan yahay in la nidaamiyo, halkan waxaynu maanta isugu nimi in aynu wax ka ogaano kala korinta ubadka iyo diinta Islaamka, ma rabno in aynu ka wada hadalno in la xadido taranta balse in la nimaadmiyo ayeynu ka wada hadali doonaa, inaga oo kaashanayna diinteena suuban”

Waxaanu intaas ku daray in Hay’adda SOFHA in badan ka soo shaqaynaysay arrimaha la xidhiidha kola korinta ubadka,  caafimaadka hooyada iyo la kaashiga diinta Islaamka.

Waxaa isna kulankaas ka hadlay agaasimaha waaxad shareecada wasaaradda diinta iyo aw-qaafta Somaliland Sh Axmed Dhinbiil Guuleed, waxaanu ku dheeraaday halka ay diintu ka taagan tahay kala korinta iyo sida Alle ugu sheegay aadamaha.

Sh Ismaacil Dheeg oo ka mida culimada dalka ayaa ka mid ahaa culimadii sharaxaada dheer ka bixisay nidaamka kala korinta iyo shareecada islaamka, waxaanu tusaalooyin u soo qaatay go’aamo ay soo saareen dawladaha islaamiyiintu iyo halka ay ka taagan yihiin kala korinta, waxaanu yidhi

Dr Deeq Siciid Jaamac oo ka mida dhakhaatiirta aqoonta dheer u leh caafimaadka hooyada iyo dhalaanka ayaa kulankaa aqoon is waydaarisga ah ka hadlay, waxaanu ku dheeraaday qaabka loo isticmaalo dawooyinka dhalmada lagu kala dheereeyo, waxaanu sheegay inay jiraan Kiniino, Irbado, qalab caafimaad oo la galiyo ilama galeenko iyo qaybo ka mida jidhka, kuwaas oo ah daawooyin lagu kala fogayn karo dhalmada, in kastoo uu Dr Deeq sheegay in qofkii ilaahay ubad siinaayo uu siinaayo dawo iyo daawo la’aanba.

Culimadii kulankaasi ka soo qayb gashay ayaa Dr Deeq Siciid Jaamac su’aalo ka weydiiyey daawooyinka iyo qaabka loo qaadaanyo, gaar ahaana qalabka caafimaad ee la galinaayo ilma galeenka iyo maqaarka?

Dr Deeq Siciid ayaa tusaale u soo qaatay isaga oo ka jawaabayey su’aasha culimada hadii uu qofku rabo in ilig loo galiyo waxyeelo mise faa’ido ayuu ka helayaa, waxaanay culimadu sheegeen inay faa’ido tahay, Dr-kuna wuxuu sheegay in qalabka caafimaad ee la galiyo ilma galeenka iyo maqaarku uu la mid yahay kuwaas oo kale, isla markaana aanu waxba yeelayn caafimaadka hooyada iyo guud ahaanba xubnaheeda taranka.

Ugu danbayntii waxaa kulan hawleedkaas laysku raacay in culimadu door ka qaadato sidii bulshada loogu wacyi gelin lahaa kala korinta ubadka iyo daryeelka caafimaadka hooyada, iyada oo bulshada lagu tusaayo waxay diinta islaamku iyo shareecadu ka qabto, waxaanay soo jeediyeen culimadii kala duwaynad inay lagama maarmaan tahay in hooyadu hesho nasasho ay kaga soo kabato uurkii iyo umushii hore ka hor inta aanay uur cusub qaadin iyo in sidoo kale hooyadu ay u baahantahay wakhti ay caruurteeda ku kala koriso.

Ugu danbaytiina Culimadii ka soo qaybgashay howshaas ayaa u mahad celisay wasaarada Diinta iyo awqaafta, Hayadda PSI iyo SOFHA , kuna amaanay howlaha muhiimka ah ee ku daryeelayaan Hooyada iyo dhalaanka.