Qalab Casri Ah Oo Ay Hinaasiyiinta Iyo Dadka Shakiga Badan ee Reer Kuweyt Wax Ku Basaasaan

0
515

Kuweyt (Geeska)- Suuqyada Kuweyt waxa dhowaan soo galay qalab casri ah oo qofka isticmaala u suurto gelinaya in uu si fudud u dhegeysto sheekada iyo hadal kasta oo laga dhex yidhaahdo gurigiisa, xafiiskiisa ama gaadhigiisa.

Qalabkan u samaysan qaabka sanduuqa oo midabkiisu yahay madaw, ayaa ay dadka reer Kuweyt ugu magac dareen Sanduuqa madow ee diyaaradaha, laakiin waa qalab aad u yar oo le’eg kartoonka yar ee Kabriidka, qiimihiisuna aad u jaban yahay. Waa qalab Tignoolajiyad casri ah ku shaqaynaya, marka la dhigo goobta la basaasayo waxa uu soo qabanaya cod kasta oo xataa xashaashaq ah ama neefta caadiga ah ee cid kasta oo goobta uu yaalla joogta.

Qalabkan yar marka uu qofku soo iibsado waxa uu gelinaya kaadh kuwa Mobile-ka la geliyo ee loo yaqaanno SIM Card ka ah, kadib waxa la dhigayaa goobta loogu talagalay in la basaaso. Waxa keliya ee qofka qalabkan isticmaalaya laga rabaana waa in uu sida talefanka caadiga ah u garaaco lambarka kaadhkii uu geliyey qalabkan, kadib isaga oo aan sida talefanka u dhicin ayaa uu qalabkani qofka u furayaa codadka iyo jabaq kasta oo qolka ama goobta uu yaalla ka jirta, kadib sida talefanka caadiga ah ayaa uu u dhegeysanayaa ama talefankiisa ku duubanayaa codadkaas.

soo gudbiyo talefanka aad ka garaacday si aad u dhegeysato.