Cillado Haddii Aanad Gaadhigaaga Ka Daweyn Khatar Weyn Ku Keeni Kara Iyo Talooyin Muhiim U Ah Gaadiidka (4)

0
713

Hargeysa (Geeska)- Waa qaybtii Afaraad ee qormadii uu Geeska Afrika akhristayaashiisa kula wadaagayey cilladaha haddii aan gaadhiga laga daweyn khatarta ku keeni kara iyo talooyinka ay khubarada gaadiidku ka bixiyeen dayactirka iyo dhawrista gaadhiga:

7. Masaxaadaha muraayadda: Masaxaadda muraayadda hore iyo ta dambe dambe oo ay gawaadhida qaar leeyihiin waxa ay muhiim u tahay wadista gaadhiga xilliga roobka, barafka iyo marka uskag degdeg ahi muraayadda fuulo am acid kale ku soo daadiso, sida gaadhiga oo xawaare biyo ku dhex maray marka uu isku saydhiyo, iwm. Rabadhka masaxaadda ah ee ku dhejisan caleemaha Weebarta aynu u naqaannaa haddii uu madho ama birta uu haystaa soo baxdo wawxa uu khasaare gaadhsiiyaa muraayadda oo uu xoqo, taasina keenayso in si fiican wax looga arki kari waayo, gaar ahaan habeenkii marka indhaha baabuurta ka hor imanaysaa qabtaan oo ay shucaac badan bixiso.

8. Dhuumaha / Tuumbooyinka shidaalku maro: Tuumbooyinka gaadhiga gudihiisa ama hoostiisa mara ee shidaalka ka soo qaada taangiga si ay u gaadhsiiyaan mishiinku waxa ay leeyihiin muhiimad weyn oo cid kastaa dareemi karto, haddiiba ay dhaawacmaan ama uu daxal iyo wax la mid ahi ay dalooliyaan waxaa dhacaysa in shidaalku uu liigo. Shidaalkaas liigaya gaar ahaan marka uu baatrool yahay waxa uu keeni karaa in xilliga uu gaadhigu xawaaraha sare ku socdo uu dab qabsado ama qarax ku keeno.

Marka aad safar dheer u baxayso waxa aad si fiican isaga hubisaa dhuumaha shidaalku maro ee gaadhiga, si aad uga taxaddarto in aanu kugu qarxin ama gaadhigu guban.

9. Badhadaha Taymarka (Timing Belt): Rabadhada wareegsan ee aad aragto iyaga oo isku xidhaya laba qaybood oo wareega oo Mishiinka ah, ama qayb wareegta oo qayb kale wareejinaysa waxa aynu u naqaannaa Badhado. Haddiiba ay dhacdo in badhadaasi go’do ama si uun meesheeda uga baxdo waxa ay keenaysaa in uu mishiinka soo gaadho dhaawac weyni. Talada ugu fiicani waa in aad joogtayso ka warhaynta badhadaha gaadhigaaga, gaar ahaanna marka aad safar u baxayso aad si aad ah u sii hubiso.

10. Daxalka: Daxalku waxa uu si sahal ah u sababaa in ay dhacdo qayb ka mid ah qolofka gaadhigu, waa suurtogal in qaybta hoose oo kursiga adiga ama rakaabku ku jiraa ay hoos u go’do, Alle Ma’ Qaddaro ee waxaa muhiim ah in aad mar kasta gaadhigaaga ka hubiso daxalka. Qolofka sare oo keliya ma galo ee sidoo kale biraha muhiimka ah ee Mishiinka iyo meelaha kalaba waa uu geli karaa, mar kasta ka taxaddar oo inta aanu khasaare keenin, beddel birta daxalku galay ama halka uu gaadhigaaga ka galay wax ka qabo. Dhammaad.