Cuntada Busbaaska Badan Leh Oo La Ogaaday In Ay Ka Caafimaad Badan Tahay Ta Qabow Iyo Sababta

0
697

Hargeysa (Geeska)- Bulshooyinka dunidu waa ay ku kala duwan yihiin isticmaalka walxaha kulul ee cuntada ama cabbitaanka lagu daro, ama aynu nidhaahno bulshada keliya ayaaba dhexdeeda ku kala duwan, oo halka ay dad badani ka xiiseeyaan aadna u cunaan, waxaa jira kuwo kale oo iyagu aan cuntadooda u dhoweyn, una adkaysan karin.

In kasta oo maaddooyinka kulaylka ku keena walxahan iyo cuntooyinkan kulul, sida busbaaska, sinjibiisha, filfisha, toonta iwm, isla markaana ay faa’idooyin kala duwani ku jiraan, haddana dhammaan saamayn ayaa ay ku leeyihiin jidhka iyo caafimaadka qofka. Daniela Kilkovski oo ku xeeldheer nafaqada iyo faa’idooyinka cuntada ayaa sheegtay in in cuntada kululi ay sababto in dareemayaasha ka hortaga kulaylku ay firfircoonaadaan, taas oo maskaxdana ka caawisa in ay ka hortegi karto xanuunka iyo karaka.

Haddaba marka la isu soo ururiyo faa’idooyinka ay Daniela Kilkovski ku sheegtaday cuntada kulul, waxaa ugu muhiimsan kuwan:

– Cuntada kululi waxa ay qofka gelisaa farxad iyo furfurnaan badan, waayo kulaylka busbaaska aya maskaxda ku qasba in ay soo deyso dheecaannada kaarka iyo xanuunka dejiya gaar ahaan maadadda Endorphin oo la mid ah dawooyinka kaarka dejiya ama suuxdinta, korna u qaadda dulqaadka uu qofku u yeelan karo xanuunka, sidaa awgeed farxad iyo furfurnaan ayaa qofka laga dareemaa.

– Busbaaska iyo inta badan ee geed kulaylka cuntada lagu daraa waxa ay si weyn u caawiyaan dhimista miisaanka, in kasta oo ay jiraan khubaro arrintaas dood ka keenaa.

– Ugu dambayntana haweenaydan ku xeel-dheer caafimaadka cuntada iyo nafaqaynta Daniela Kilkovski, dadka calool ololka muddada dheer la soo noolaa waxa ay kula talinaysaa in ay iska jiraan cuntada busbaaska ama geed kulaylka kale leh, sababtuna waa in kulaylkani uu kordhiyo xaddiga asiidhada caloosha ee jidhku so osaarayo, taas oo qofka ku sii badinaysa calool ololka.