Qalab Aynu Maanta Raaxo Iyo Nolol U Isticmaalno Oo Bilowgii Loo Samaystay Ujeeddo Taas Aad Uga Duwan (3)

0
646

London (Geeska)- Qaybtii saddexaad ee qormadii uu Geeska Afrika turjumay ee uu ku eegayey qaar ka mid ah qalabbada aynu maanta sida joogtada ah ugu isticmaalno nololmeelmeedkooda  laakiin aynu u isticmaalno si ka duwan sababtii loo ikhtiraacay.

Warqadaha tuwaalka ah (Kiliinigs)

Warqadaha jilicsan ee kilinigska ama softi aynu ugu yeedhno oo aynu ku macnayn karno warqadda jilicsan ee tuwaal ahaanta aynu u isticmaalno, waxa ay maanta ka mid yihiin waxyaabaha ugu badan ee aynu nolol maalmeedkeenna u isticmaalno, dhididka oo lagu qallajiyo, afka oo la iskaga tiro, suuliga oo lala galo iyo faa’idooyin tiro badan oo ay ugu yar tahay in sanka lagu nadiifiyo ayaa aynu u isticmaalnaa. Dad badan oo innaga mid ah ayaa u haysta in asalka horeba ninka lahaa fikirka lagu sameeyey warqadahani uu u jeeday uun in loo isticmaalo ujeedooyinka aynu soo taxnay. Laakiin runtu sidaas ma’aha.

Warqaddan Ikhtiraaceedu waxa uu lahaa sababo milateri iyo xaalado dagaal la xidhiidhsan. Waxa ay ahayd dagaal weynihii koowaad ee dadka badani ku la’deen markii shirkadda lagu magacaabo Kimberly-Clark oo dalka Maraykanka laga leeyahay qandaraas milateri lagu siiyey in ay ciidamada Maraykan ka iibiso maaddo ay ikhtiraacday oo lagu magacaabo Cellu-cotton oo ah harqad yar oo cudbiga u eeg, laakiin aan cudbi run ahayn, sida cudbigana loo adeegsan karo, laakiin sababta lagu doortay ay tahay in ay cudbiga si aad ah uga jaban tahay. Waxa aana cudbigan samayska ah waxaa lagula tacaali jiray dig baxa dhaawaca askarta.

Markii uu dagaalkii dhammaaday oo weliba si ka soo dabagaaban aadna lama filaan u ahayd u joogsaday waxa ay shirkaddani ku dhacday xaalad adag oo ay kaydka u yaallaan boqollaal ton oo ah cudbigii samayska ahaa ee Cellu-Cotton kuwaas oo dabcan aanay hadda kadib cidi ka iibsan doonin. In kadyka intan le’eg iska baaba’aana waxa uu shirkadda ku ahaa khasaare weyn. Nasiibwanaag masuuliyiintii qorshaynta wax-soo-saarka ee shirkaddu waxa ay durbadiiba heleen fikir  aad u fiican oo shirkaddii in uu khasaare ka badbaadiyo oo keliya aan tarin, balse faa’ido intii ay hore uga heli lahaayeen ka badan siiyey, isla markaana ka mid noqday wax-soo-saarka rasmiga ah ee shirkadda.

Cudbi u-ekihii waxaa loo beddelay harqado / tuwaallo warqad cudbiga u eeg oo khafiifa ah, oo loo adeegsado in wejiga lagu masaxo ama afka la iskaga tiro, waxa aanay dadkii bareen muhiimaddooda oo gaadhay heer laga sameeyo xafaayado, iyo alaabooyin ujeeddooyin kale oo badan oo aan laga maarmayn maanta dunida u yaalla. Dhammaad.