Qisada Warfidiyeenkii Dunida Ugu Hor Tebiyey Warka Bilowgii Dagaalkii Labaad Ee Adduunka Oo Geeriyootay

0
688

1London (Geeska)- Haweenay ay saaxiibbo dhow ahaayeen warfidiyeenkii caanka ahayd ee warka qaraxii koowaad ee dagaalkii Labaad ee adduunka dunida u tebisay ayaa shaacisay in ay geeriyootay. Clare Hoolingworth oo markii ay warkan tebinaysay u shaqaynaysay wargeys ka soo baxayey dalka Ingiriiska ayaa ku dhimatay Hong Kong iyada oo ay da’deedu 105 jir tahay.

Bishii Ogosto 1939kii ayaanay ahayd markii iyada 27 sano jir ah ay u safartay kelideed xuduudka Jarmalka, kadibna aragtay kolonyadii Dabaadabaha ahayd ee u horreysay ciidamada Jarmalka ee inta ay ka tallaabeen xuduudka dalkooda u gudbay dalka Poland si ay u qabsadaan. Isgaadhsiinta liidatay ee xilligaas jirtay awgeedna, saddex dharaarood kadib ayaa ay noqotay warfidiyeenkii ugu horreeyey ee warka bilowga dagaalka Labaad ee adduunka ka qortay warbixin ay ku qortay wargeyska Daily Telegraph ee ka soo baxa dalka Ingiriiska, in kasta oo ay wargeyskan ka dhigtay warbaahintii ugu horreysay ee warkaas weyn qortay dunida oo dhan, haddana warkeeda taas shaqada ah kuma ay koobin ee waxa ay sidoo kale dhambaallo u dirtay masuuliyiinta Ingiriiska iyo Polland si ay u gaadhsiiso digniinta ciidanka ku soo maqan.

Clare Hoolingworth oo ka warramaysa warbixinteedaas caanka ka dhigtay ayaa sheegtay in uu ahaa warkii ugu weynaa ee saxafi tebiyo taariikhda casriga ah oo dhan. “Aniga oo yar ayaa aan qisadaas qoray, waxa aan marka hore hore halkaas u tegey in aan ka qayb qaato daryeelka dad qaxoontiga ah iyo dadka naafada ka ah aragga iyo maqalka, ama cudurrada dhimirka qaba. Laakii intii aan joogay deegaankii waxa aan la kulmay dhacdadan i tustay in dagaal lama huraan yahay” ayaa ay tidhi Clare Hoolingworth oo u warrantay wargeyska Daily Telegraph oo 10kii Bishan Jeenaweri geeriyootay.