Mulkiilaha Facbook Xilliga Firaaqada Waxa Uu Gurigiisa Ku Maamulo Qalab Uu Iskii U Samaystay Oo U Hawl Fududeeya

0
659

1Washington (Geeska)- Sirkadda Facebook ee iska leh barkulanka bulsho ee Facebook ayaa shaaca ka qaadday in aasaasaha Facebook ahna agaasimaha maamulku uu hal-abuuray nidaam kombiyuutareed aad u horumarsan oo lagu magacaabo Jarvis kaas oo awood u siinaya in uu si buuxda u maamulo gurigiisa. Zuckerberg ayaa dhowaan faafiyey filim maqal iyo muuqaal ah oo uu gurigiisa dhexdiisa ka soo duubay, waxa aanu ka sheegay in barnaamijkani uu u bixiyey Jarvis oo ah magac nin, isaga oo uga jeeda in qalabkan cusub ee uu samaystay ula niyoodo in uu yahay qof caawinaya.

Mark Zuckerberg oo ah 32 jir 53.6 Bilyan oo doolar haysta waxa uu sheegay in qalabkiisan cusubi uu awood u leeyahay in uu laydhka u shid, in uu garto dadka soo booqda guriga, isaga oo isu eegaya qofka iyo liiska dad sawirradooda iyo xogtooda lagu kaydiyo, kadibna waxa uu go’aan ka gaadhayaa in uu albaabka hore ee guriga ka furo iyo in kale isaga oo amarrada iyo falcelinta ka helaya Zuckerberg oo kala soo xidhiidha talefankiisa gacanta ama kombiyuutarkiisa.

Waxa aanu codka qalabkiisan aadame-u-ekaha ahi marka uu hadlayo u doortay codka jilaaga caalamiga ah ee Morgan Freemen. Jarvis waxa uu aasaasaha Facebook ku wargelinayaa hadba heerka uu heer-kulka cimiladu marayo, muusikada uu ku maaweelinayo. Waxa se’ intaas ka sii yaab badan in qalabkani uu awood u leeyahay in uu barto ereyada cusub iyo mararka qaarkood in uu maaweeliyaba inanta yar ee uu dhalay Zuckerberg oo lagu magacaabo Max. waayo waxa uu awoodaa in uu yidhaahdo ereyo maadays ah ama ficillo carruurtu ku qosli karto sameeyo.