Qalab Aynu Maanta Raaxo Iyo Nolol U Isticmaalno Oo Bilowgii Loo Samaystay Ujeeddo Taas Aad Uga Duwan (2)

0
775

1London (Geeska)- Qaybtii Labaad ee qormadii uu Geeska Afrika turjumay ee uu ku eegayey qaar ka mid ah qalabbada aynu maanta sida joogtada ah ugu isticmaalno nololmeelmeedkooda  laakiin aynu u isticmaalno si ka duwan sababtii loo ikhtiraacay.

2. Qalabka jimicsiga ee Korontada ku shaqeeya:

Qalabka lagu ordo ee korontada ku shaqeeyaa waxa uu badbaadiyey dadaal badan oo qofka jimicsi doonka ahi uu geli lahaa, gaar ahaan marka ay noqoto in uu ordo, isaga oo ku soconaya hadba xawaaraha uu doono. In badan ayaa isaga oo gurigiisa joogu uu qofku tobannaan mitir ordo, oo jimicsiga uu rabay ka helaa qalabka, waxa se laga yaabaa in qaar badan oo innaga mid ahi aanay ogeyn ikhtiraaciddii fikirka lagu sameeyey qalabkani ay ahayd mid bani’aadamnimo darro ah. Oo markii ugu horreysay ee qalabka lagu ordo la isticmaalay ujeedada laga lahaa waxa  ay ahayd in lagu ciqaabo dadka.

Qalabkan waxa sannadkii 1818 ikhtiraacay Injineer u dhashay dalka Ingiriiska oo lagu magacaabi jiray Sir William Cubit, waxa uu ahaa qalab loogu talogalay in maxaabiista lagu ciqaabo, oo iyada oo loo eegayo sida ayu kala dembi culus yihiin lagu kallifi jiray in ay ku lugeeyaan. Mararka qaarkood waxaa dhici jirtay in qof maxbuus ah qasab lagaga dhigo in qalabkan uu ku dul lugeeyo muddo 8 saac oo is xiga ah, oo aau mar keliya u nasanayn. Ciqaabtaasi marar badan waxa ay maxbuuska ku keeni jirtay dhaawac iyo xanuun kaga dhaca xaglaha iyo xitaa hurdada oo daalka badan dartii ka guurta.

Qalabka jimicsiga ee lagu dul ordo waxaa hadda dalal Maraykanka iyo Ingiriiska laga isticmaalayey muddo ka badan 80 sano.

Ciyaarta Bowling:

Ciyaarta afka qalaad lagu yidhaahdo Bowling waa kubbad meel yara durugsan inta gacanta laga soo giraangiriyo lagu shiisho qalabka sawirka ka muuqdo oo la rabo in lagu rido ama ugu yaraan halkiisa lagaga riixo.

Ciyaartani bilowgii ciyaar ma’ay ahayn balse waxa ay ahayd caado diineed oo cibaado ah oo ay bilaabeen dadkii hore ee Jarmalku.

Qarnigii Saddexaad ee miilaadiga ayaa wadaadadii Kaniisadda ay bilaabeen in ay meel fagaare ah dhigaan dhowr shay oo leh qaabka sanamka, iyaga oo ku sheegaya in walxahani ay u taagan yihiin ama uga jeedaan dadkii aan diinta Masiixiga haysan ee sannam caabudka ahaa, ama kufaarta kale ahaa, kadib walxaas ayaa ay dhagxaan ku soo tuuri jireen si ay mid kasta ugu dhuftaan, waxa aanay aaminsanaayeen in qofka shiishkiisu fiicnaado ee ku guulaysta in uu walxahaas dhammaantood dhulka wada dhigo dembigiisa oo dhan la dhaafayo, maadama oo uu ka dhigan yahay in uu ka adkaaday cid diidan diinta Masiixiga. Laakiin maanta Bawling waa ciyaar dunida laga xiiseeyo oo si caadi ah loogu tartamo.