Qisas Xiise Leh Oo La Xidhiidha Dhaarinta Madaxweyneyaasha Maraykanka Iyo Dhacdooyin Kale Waxaa soo ururiyey Kamaal A. Cali…. Qaybta 1aad

0
615

Washington (Geeska)- Doorashadii 58-naad ee madaxweynenimada dalka Maraykanku waxa ay go’aamisay in madaxweynaha 45 ee ugu yaraan illaa sannadka 2021ka Guriga Cad joogaya, haddii wad iyo timaaddo aan lagu taligelin daayaan, uu yahay Donald J Trump oo Jimcihii 20ka Jeenaweri 2017ka si rasmiah loogu dhaariyey xilka uu sida muranka dhalisay kaga guulaystay haweenaydii xisbiga dimuqraaddiga ka socotay ee Hilary Clinton.

Waxaa jira dhaqanno iyo caadooyin siyaasi ah oo Maraykanku weligiiba ka lahaa caleemo saarka madaxweynaha cusub, waxa aana ka mid ah kuwo bilowgii illaa maanta jira iyo kuwo is-beddelay. Qormadan oo uu Geeska Afrika soo ururiyeyna waxa aynu ku eegaynaa qaar ka mid ah caadooyinka siyaasiga ah ee munaasabaddan oo kale lagu yaqaanno, balse cidda aa ogeyn xiisaha u yeesho, iyo sidoo kale dhacdooyin marar kala duwan dhacay oo iyaga qudhooduna dad badan xiise gaar ah u yeeshay:

Dhaarinta

Sida caadiga ah dalalka dunida waxaa lagu yaqaannaa in dal kastaa uu leeyahay kitaab rasmi ah oo xilliga dhaarkta gacanta loo saaro madaxweynaha ama masuulka kale ee xilalka muhiimka ah qabanaya, in kasta oo ay jiraan dalalka qaar dhaqan ahaan aanu madaxweynuhu gacanta waxba saarin ee kor uun u taago gacanta kadibna la dhaariyo. Kitaabkaas gacanta loo saarayaana aalaaba waxa uu ku xidhiidhsan yahay diinta dawladdu raacdo, iwm.

Si yaab leh, sharciga dalka Maraykanku waxa uu dhigayaa in madaxweynaha iyo masuullada kale ee la dhaarinayo gacanta loo saaro kitaabka Masiixiga laakiin ma kala caddaynayo ka uu yahay, maadaama oo ay Kiristaanku ku andacoodaan in uu u qaybsan yahay laba qaybood oo ah Cahdigii hore – Tawraat iyo Cahdiga Dambe-Injiil. Si kastaba ha ahaato ee madaxweynihii ugu horreeyey ee Maraykanka George Washington oo xilka qabtay 30kii Abriil 1789kii ayaa bilaabay dhaqan ah in gacan-saarka dhaarta madaxda loo adeegsado Kitaabka Mormon oo ah kitaab uu gacantiisa ku qoran ninka loogu magac daray ee Mormon oo isaga oo looxyo ku qornaa kitaab rasmi ah loo beddelay sannadkii 1827kii.

Buugga Mormon ayaa dadka aaminsani ay ku andacoonayaan in uu yahay qoraal sir ah oo ay ka mid yihiin kuwo laga reebay nebiyo hore oo ay sheegeen in ay qaaradda Ameerika ku noolaan jireen, muddo hadda laga joogo ugu yaraan 2200 oo sano dhalashadii Ciise (CS) ka hor illaa laga soo gaadhay 421 dhalashadii kadib.

Kitaabka lagu dhaariyey George Washington ayaa la sheegay in uu ahaa mid uu isagu si shaqsi ah u lahaan jiray.

Sannadkii 1825kii ayaa madaxweynihii Maraykanka ee John Quincy Adams oo ahaa madaxweynihii Lixaad,markii xilka loo dhaarinayey waxa uu gacanta saaray buug aad uga duwan kuwa munaasabaddan oo kale laga filan karo oo ah kuwa diimaha xidhiidhka la’ leh.

John Quincy Adams waxa uu soo qaatay buug arrimaha sharciga laga qoray, gaar ahaa waxa loo yaqaanno ‘Qaanuunka dastuuriga ah’ (Constitutional Law), waxa aanu go’aansaday in xilliga dhaarta uu isagu buuggaas gacanta saaro, taas oo sidii uu rabay u dhacday.

Madaxweynihii 26naad ee Maraykanka Theodore Roosevelt ayaa 75 sano kadib kudhaarashadii Qaanuunkaee John Quincy Adams waxa uu isagu la yimi dood cusub oo ka duwan tii George Washington ee Buugga Baybalka gacanta uu saaray iyo tii Adams ee uu buugga qaanuunka ah ku dhaartay, waxa aanu isagu go’aansaday in markii xilkan loo dhaarinayey oo ahayd 1901dii aanu habayaraato ee wax kitaab ah gacanta saarin.

Madaxweynihii 44 ee dalka Maraykanka oo ah kan uu Jimcihii 20ka Jeenaweri xilkiisa oo 8 sano ahaa dhammaaday ayaa isagu go’aansaday in lagu dhaariyo Baybalka uu gacanta saaray madaxweynihii 16naad xilligiisii dhaarashada. Barak Obama ayaa sannadkii 2008dii markii loo dhaarinayey xilka madaxweynenimo iyo haddana sannadkii 2013ka markii mar labaad loo dhaarinayey xilkaas oo uu xilligiisii labaadna ku guulaystay waxa uu ku adkaystay in uu gacanta saaro baybalka, gaar ahaan isla buuggii uu gacanta saaray madaxweynihii 16naad ee Maraykanka Abraham Lincoln xilligii uu u dhaaranayey madaxweynenimada. Barak Obama waxa uu marar badan hadalladiisa iyo qoraalladiisaba ku sheegay in George Washington uu yahay ruuxa uu kaga daydo siyaasadda ee weligii u ahaa xiddig uu bidhaansado.

La soco…