Qaddaafi Dhimashadiisa Ka Hor Ayuu Saadaaliyey Soo Bixista DAACISH Iyo Tahriibayaal Ku Qul-quli Doona Yurub

0
507

1London (Geeska)- Warbixin la filayo in ay dood iyo muran badan dhalin doonto oo Jimcihii dorraad uu baahiyey wargeyska Daily Mail ee ka soo baxa carriga Ingiriiska ayaa sheegaysa in Hoggaamiyihii la dilay ee Liibiya Mucammar Al-Qaddaafi uu raysalwasaarihii hore ee Ingiriiska Tony Blair mar ay talefanka ka wada hadleen uu uga digay, in haddii xukunka laga tuuro ay Liibiya awooddeeda ugu weyn la wareegi doonaan Islaamiyiin xagjir ahi, iyada oo weliba ujeedadooda ugu dambaysaana ay noqon doonto in ay Yurub qabsadaan.

Wargeysku waxa sheegay in hadal talefanka ku dhex maray labada hoggaamiye bishii Labaad ee 2011kii oo la qoray, la faafiyey khamiistii toddobaadkii ina dhaafay. Qaddaafi waxaa laga dareemayaa in uu aad uga warwarsanaa awoodda isa soo taraysay ee Al-Qaacida ku yeelanaysay Afrika iyo Bariga dhexe. Waxa aanu si adag uga digay in haddii xukunka laga tuuro, ay taasi dariiqa u xaadhi doonto in ay soo baxdo ‘Dowlad Islaamiya’ oo albaabada u furta tahriib sida duufaanta ugu jaba dhulka Yurub, si ay dadkaas u dhex raaciso xubnaheeda ay doonayso in hadhow ay huriyaan dagaalkooda ay ku damacsan yihiin in Yurub ay kula wareegaan.

Marka hore Qaddaafi iyo Blair waxa ay talefanka ka wada hadleen 25kii Feebarweri 2011 muddo Saacad badhkeed ah, haddana isla maalintaas ayaa uu laba jeer oo dambe Blair talefanka kala soo hadlay Qaddaafi isaga oo ku boorrinaya in uu u baxsado meel aamin ah oo talada dalka uu ka tago, waqtigaas oo ahaa Siddeed bilood ka hor dilkii Qaddaafi. Si kastaba ha ahaato ee xildhibaanno ka tirsan Aqalka sare ee Baarlamanka Ingiriiska ayaa markii uu warkani soo baxay sheegay in cabsida uu xilligaas Qaddaafi ka muujiyey xag-jirka in la dhegeysan waayaa ay ahayd qalad.

Blair markii uu dhegeystay warka Qaddaafi waxa uu u sheegay in uu arrintaas kala tashan doono saaxiibbadiisa Midowaga Yurub kadibna la soo hadli doono, laakiin Afar saacadood kadib ayaa uu ku soo celiyey isaga oo siday fikirka ahaa in Qaddaafi dalka ka baxo, waxase uu Qaddaafi ka hor keenay cadho aad u badan oo uu si adag Blair uga dalbaday bal in uu horta yimaaddo Liibiya oo uu isaguba indhihiisa ku soo arko xaqiiqada jirta. Laakiin sida uu wargeysku ku sheegay warbixintan uu Geeska Afrika turjumay Blair waxa uu ku adkaystay hadalkiisa oo ahaa, “Haddii meel aamin ah oo aad u baxdo aad garanayso, hadda bax, waayo xaalka Liibiya nabad kuma dhammaanayo. Waxaa kugu waajib ah in aad dalka iskaga baxdo”