Siyaasiyiin 40 Jir Ka Yar Oo Dunida Caan Ka Noqday: Dhalinyaro Taladoodu Dunida Samaayn Ku Leedahay (3)

0
600

5Hargeysa (Geeska)- Qormadan xiisaha badan waxa uu Geeska Afrika akhristayaashiisa kula wadaagayaa hoggaamiyeyaal iyo shakhsiyaad mansabyo sare haya oo da’doodu ka yar tahay Afartan sano, maadaama oo da’daas iyo ka weyn uun lagu ogaa talada iyo xukunka dunida.

6. Soo galeeti muslim ah oo wasiir ka noqotay dalkay magangashay:

2

Xukuumadda Dalka Sweden ayaa dad badan oo siyaasadaha dalkaas iyo guud ahaan kuwa Yurub u dhuun daloola kaga yaabisay sannadkii 2014ka bishii tobnaad markii gabadh qaxoontinimo dalkaas ku soo gashay ay u magacowday wasiir ka tirsan golaha xukuumadda.

Caayidah Al-Xaaj Cali oo dhalasho ahaan ka soo jeedda Jamhuuriyadda Bosnia Herseg   dhalatay sannadkii 1987kii, waxa ay baratay sharciga waxa aanay ka tirsan tahay xisbiga Social Democratic Party ee dalka Sweden oo iyada iyo qoyskeedu ay qaxoontinimo ku soo galeen sannadkii 1992kii kadib markii ay ka soo firdhadeen dagaalladii isir-tirka ahaa ee ka dhacay dalkooda.

Caayidah markii ay ka qalinjabisay jaamacadda Lunds oo ay ka baratay sharciga ayaa markii loo magacaabay in ay madax ka noqoto isla jaamacaddaas iyada oo isla xilliyadaasna ku biirtay xisbigan loona magacaabay ku-xigeenka duqa magaalada ay deggenayd, kuna barbaartay. Ugu dambayntiina sannadkii 2014ka ayaa guddoomiyaha xisbiga Dimuqraaddiga Hantiwadaagga ah iyo raysalwasaaraha dalka Sweden Stefan Lofven oo isna xisbigan ka soo jeedaa ay u doorteen Caayidah in loo magacaabo wasiirka waxbarashada ka hoosaysa heer jaamacadeed iyo kor u qaadista tayada waxbarasho.

Caayidah waa muslimad lagu tilmaamo gabadh hal-adayg iyo karti badan, oo noqotay xiddig ay ku soo hirtaan dhalinyarada u haajirtay dalalka Yurub guud ahaan ee u diyaarka ah in ay mustaqbalkooda dhisaan.

7. Dhalinyaro ka soo baxay dhulka duqaytida:

3

Raysalwasaaraha ugu da’da yar dalalka Yurub waxa uu ahaa Irakli Garbashvili oo bishii Noofambar 2013kii noqday raysalwasaaraha dalka Georgia oo lagu tilmaamo dhulka Duqaytida, celceliska da’da dadka dalkaas oo aad u weyn awgeed. Xilkan raysalwasaaraha oo uu qabtay isaga oo 31 jir ah waxaa uga horreeyey xilka wasiirka arrimaha gudaha oo uu noqday 30 jirkiisii sannadkii 2012ka, waxa aanu xilka raysalwasaaraha kala wareegay Bidzina Ivanishvili oo isagu xilka ku wareejiyey kadib markii uu iskii isu casilay.

Marka qaaradda Yurub laga tago Garibashivli waxa uu ahaa hoggaamiyihii dowladeed ee labaad ee ugu da’da yar dunida, waxaana ka yaraa oo keliya Kim Jong-un. Waxa uu bartay cilmiga xidhiidhka caalamiga ah.

8. Muxamed Badraan:

1Si kedis ah oo aanay cidiba hore u sii filayn ayaa uu mar keliya magaciisu buuxiyey maqalka iyo araggaba, arday jaamacadeed aan waxba ka duwanayn ardayda wax la barata ayaa mar keliya noqday siyaasi caan ah, oo hoggaamiya xisbiga labaad ee siyaasiga ah ee ugu weyn dalka Masar.  Maxamed Badraan oo da’diisu 24 sano jir tahay ayaa lagu tilmaamaa in uu yahay hoggaamiye xisbi kii ugu da’da yaraa dunida oo dhan. In kasta oo ay dadka dhaliilaa ku tilmaamaan in uu taageero ka haysto madaxweynaha Masar Cabdifataax Siisi iyo rag maalqabeen ah oo ka tirsan raggii Xusni Mubaarak iyo milateriga Masar garab taagnaa weligood, haddana waxa aan la isku khilaafasnayn in da’diisa uu ka weyn yahay kana bisil yahay siyaasad ahaan, una muuqdo nin leh karti uu xisbiga ku hago iyo han ka sii fog kursiga Baarlamaanka ee uu dhowaan ku guulaystay iyada oo xisbigiisuna noqday xisbiga labaad ee kuraasta ugu badan ka helay Baarlamankii dhowaan la doortay.