Dhallinyaro Taageertay Bayaan Uu Soo Saaray Dr. Ciise Kayd

0
520

Dhalinyarada degmada Axmed dhagax ayaa si wayn u soo dhaweeyey warbixin qoraal ah oo ka soo saaaray DR: Ciise Kayd  kulamo uula yeeshay qaybaha kala duwan ee bulshada sida odayaasha dhaqanka,Dhalinyarada iyo siyaasiin mucarid iyo muxafidba leh.

1

Dhaliyarada ayaa dhinacooda soo dhaweeyey warbixantaa oo ayku sheegeen mid koobsanaysa waxyabihii aykaga wada hadleen kulamadaa dhexmaray, waxayna kutilmaameen mid dhaba o ku qontanta fikirka dhabta ah ee ka jira wadanka.

DR: Khadar Abdi Omar “ dalku wuxuu ubaahanyahay Aqoonyahno maskaxdooda iyo maalkooda ugu tabaruca oo kudarsada horumarka wadanka, aqonyahanku wa kii waaqaca wadanka mashqaca galiya ee shiida kadibna umada usoo bandhiga maxsuulka kasobaxa , DR Ciise waxan ku tageerayaa in uu wadanka yimi xaaladii uu ku arkay iyo kulamadii uu laqatay bulshadana warbixinteedii oo tafaftiran saxafada usoo gudbiyay, dhaman warmurtiyeedkaasi wuxuu aha mid kusalaysan waayaha wadanka, waxan kale oo an uga mahad celinayaa Dhakhtarka gaarka ee daboolay baahiyo wadamo shishe looqaban jiray, anu waxan ahay hawl wadeen caafimaad oo waxan garankaraa qiimaha dhakhtar neurology wadanka uleeyahay.

Dhanka kale isna waxa kamid ahaa aqonyahanka warbixintaa umuujiyay taagerada Farhan X.Yusuf

“ warbixintaa aan saxafada ka dheehday 6.bishan runtii waxay iila muuqatay mid ka turjumaysa waaqaca yaala wadankeena, gaar ahaan waxan aad ulala dhacay qaybta uu kutilmaamay dib udhaca wadanka ay galisay xukuumada kulmiye iyo laaca beenta ah ee ay dadka ku sabto gaar ahaan kuwooda maanka ka sebiga ah,bobka hantidii uu afwayne ka xishooday iyo qabyaaladu heerka ay marayso oo runtii dhaaftay wax la eegan karo, Balan furkii balamihii ay la gashay dadwaynaha deeganada Gobolka Hargeisa iyo guud ahaan wadankaba, waxaas oo dhami waa wax jira tilmaantoodana ay ku diirsanayaan dadwaynuhu, ugu dambayntii waxaan leeyahay Dr Ciise iyo qof wal oo fikir saliima wada runtii waxay inaga mudan yihiin garabgal.

Waxa kale oo isna kamid ahaa aqonyahankii baaqan ayiyidaada ah kahadlay Cabdi shakur Da,ud maweel “  xaalka uu hada dalku marayo waa xaalad aad u cakiran oo ay horsed ka tahay xukuumada kulmiye ee 6 sano ee dhadhaw dalka ka ariminaysay dr ciise kayd wuxuu taabtay xaaladaa murugsan ee dhan walba taabatay  shalay markii ay xilka haysay xukumadii hore ee udub waxaa  la dareensanaa in dalka la wada leeyey  waxaa shaqaynayay  nidamka xusbinimo waxaa  dhex loo ahaa dawlad nimada  manfacuma ha yaraadee lakin hada waxaa muuqada inay taladii  dalku ay gacanta u gashay dad aan ehel u ahayn DR: Ciise  waxaan ku hambalyaynayaa  fikirka caafimaadka qaba ee uu ku sifeeyay  xalka guud  ee dalka iyo kan gaarka ah ee deegaankiisa uu ka sharaxanyay ee ay xukumadan sifahaas lehi  ay kula kacday deegaamada  ay beeshu ka dagto dalka  bari iyo galbeedba oo aan helin wixii ay xaqa ugalahayd.