Qabiil Faruuryaha Waaweyn Qurux U Yaqaanna Oo Inanta Dibnaha Weyn Lagu Meheriyo 60 Neef Oo Lo’ Ah

0
974

Picture2Addis Ababa (Geeska)- Waxaa suurtogal ah dadka qaar marka ay eegaan sawirkan la socda qoraalka in ay u qaataan muuqaal male-awaal ah, laakiin sidaas ma’aha ah. Qabiilka Suuri lagu magacaabo oo ku dhaqan dalka Itoobiya waxaa caado uu u leeyahay in dumarku ay afka geliyaan walxo dhoobo adag ka samaysan si ay debnaheeda u weynayso, waayo waxa uu qabiilku dhaqan ahaan u aaminsan yahay in calaamadda koowaad ee quruxda lagu qiimeeyaa ay tahay debnaha waaweyn. Inanta qabiilkani marka ay qaan-gaadho ayaa laga saarayaa laba ka mid ah ilkaheeda hoose, in ilko caafimaad qaba laga saaro oo xanuunkeeda iyo yaabkeedaba leh waxaa ka sii daran qaabka looga saarayo. Inanta qoyskeedad ayaa ehelka, qaraabada iyo asxaabta ay isku qabiilka yihiin ugu yeedhaya munaasabad ballaadhan oo inanta ilkahaas lagaga saarayo, kadibna dibinta hoose ee afka ayaa loo samaynayaa dalool yar. Warkan oo uu wargeyska Geeska Afrika ka soo xigtay wargeyska Daily Mail ee ka soo baxa dalka Ingiriisku waxa uu intaas ku darayaa in daloolkaas lagu sameeyey dibinta xagga sare iyo xagga hoose laga soo gelinayo dhoobo nooc gaara oo adag ah oo aan dhareerka ku milmayn.

Inan kastaa inanta ay ka dibin weyntahay ayaanay ka meher badan tahay, oo waalidku haddii uu ku guulaysto in uu dibinta inantiisa aad u weyneeyo, hadhow ninka guur uga soo doona waxa uu ka qaadayaa xoolo ka badan ka laga qaadi lahaa haddii uu dooni lahaa inan tan ka dibin yar, laakiin raggu waxa ay aaminsan yihiin in taas dibinta dheeri ay ugu qurux badan tahay, sidaa awgeed nin kastaa marka uu gabadh guursado halka ugu horreysa ee ay qoyskiisa iyo saaxiibbadii iyo isaga qudhiisuba ka qiimaynayaan quruxdeedu waa dibinta. Tusaale ahaan inta badan waxaa dhacda in inanta dibinteedu aad u weyn tahay uu aabaheed ka qaato meher dhan 40 illaa 60 neef oo lo’ ah. Laakiin haddii ay dibinteedu yar tahay meherkeedu aad ayuu tiradaas uga yaraan lahaa.