Tony Blair Oo Rubuc Milyan Doolar Lagu Siinayo Laba Khudbadood Oo Mid Kastaa Ay Soconayso 30 Daqiiqo

0
966

Picture8London (Geeska)- Raysalwasaarihii hore ee Ingiriiska Tony Blair ayaa laba khudbadood oo mid kastaa tahay Soddon daqiiqadood oo keliya waxa uu ku qaatay lacag ka badan Rubuc Milyan doolarka Maraykanka ah. Warkan oo uu wargeyska Geeska Afrika ka soo xigtay wargeyska Daily Mail ee ka soo baxa carriga Ingiriisku waxa uu intaas ku daray Blair oo hadda ah guddoomiyaha guddida afaran ee nabadaynta bariga dhexe in lacagta uu khudbadahan ku qaatay oo ah 265’600 (Laba boqol lixdan iyo shan kun iyo Lix boqol) oo doolar ay u dhiganto in daqiiqad kasta oo khudbaddiisa ka mid ah uu ku qaadanayo lacag u dhiganta 4’400 (Afar kun iyo Afar boqol) oo doolarka Maraykanka ah, waxa aanu ka hadli doonaa arrimo la xidhiidha xaaladaha caalamiga ah ee dunida ka jira iyo xidhiidhka ay dhaqaalaha la’ leeyihiin. Tony Blair oo la aaminsanyahay in tan iyo markii uu xilka raysalwasaaraha Ingiriiska ka degey sannadkii 2007da uu lacago ka badan 85 Milyan oo doolarka Maraykanka ah ka faa’iday khudbado uu ka jeediyey munaasabado, maxaddo iyo jaamacado kala duwan, ayaa labadan khudbadood mid ka mid ah oo 30 daqiiqo socotay, Isniintii toddobaadkii hore ka jeediyey kulan caalamiya oo ay qabatay majalladda Arabian Business oo ka soo baxda dalka Imaaraadka Carabta, waxaana madasha uu ka khudbadaynayey dhegeysanayey 600 oo qof oo dhammaantood ah madaxda ganacsiga kala duwan ee dalalka Gacanka Carbeed (Khaliijka), isaga oo maalintii Salaasada ee shalayna jeediyey khudbad kale oo uu 30 daqiiqo u jeedinayey ka-qayb-galayaasha kulan ballaadhan oo ay isugu yimaaddeen golaha ganacsiga ee Carbeed. Dad ka ag-dhow Blair ayaa wargeyska Daily Mail u xaqiijiyey in Tony Blair uu qaatay lacagtan oo weliba aanay ku jirin kharashaadka jiifka (Hoyga), cuntada iyo gaadiidka leh ee isaga iyo 8 qof oo la socdaa ay isticmaali doonaan maalmaha uu arrintan u joogo magaalada Dubai. Waxaana ay deggenaan doonaan oo loo kireeyey qayb ka mid ah hudheelka caalamiga ah ee Marriott oo hurdada habeenkii xisaabinaya lacag ka badan 12’150 (Laba iyo Toban kun iyo Boqol iyo Konton) doolarka Maraykanka ah.