Imtixaankii Ardeyda Fasalada Dhexe Iyo Sare Oo Somaliland Si Nabad Gelyo Ah Uga Dhamaaday

0
901

Hargeysa (Geeska)-Wasaaradda Waxbarashadda iyo Xafiiska Imtixaanaadka Qaranka ee Somaliland,ayaa si rasmi ah  ugu dhawaaqay in uu si nabadgelyo ah guud ahaan Ardeyda dalka ee gashay Imtixaankii Shuhaadiga ahaa ee Fasalada  8aad iyo Afaraad ee Somaliland ugu soo dhamaaday.

Wasiirka Waxbarashadda Somaliland Marso Samsam Cabdi Aadan oo uu weheliyo Guddoomiyaha Xafiiska Imtixaanaadka Qaranka Somaliland Daa,uud  Axmed Faarax, ayaa  Shir Jaraa,id oo ay si wada jir ah ugu qabteen Xafiiska Imtixaanaadka Qaranka Somaliland, si rasmi ah ugu dhawaaqay in Imtixaankii Shuhaadiga ahaa ee Fasaladda  Fasalada 8aad iyo Dugsiga Sare ee 4aad uu si nabadgelyo ah dalka uga qabsoomay sheegay ,waxana ay Wasiirku xustay  in uu sanadkan Imtixaanku  deegaano aanu sannadadii hore ka qabsoomi uu sanankan ka hirgalay kuwaasi oo Deegaanka Boohoodley ardeydiisu ka mid tahay meelaha sannadkan Imtixaanku ka qabsoomay.

Wasiiradda Waxbarashada Marwo Samsam Cabdi Aadan oo Xafiiska Imtixaanaadka Warbaahinta kula hadleysay waxa ay tidhi “Sanadkan 25-ka Bisha June ee 2014 waxa soo gebo geboobay imtixaankii Dugsiyada sare duraadna waxa soo dhamaaday Imtixaankii dugsiyada dhexe waxaynu waxanay noogu dhamaadeen si nabadgelyo ah,waxana na soo gadhay Imtixaanaddii ka yimid Sanaag bari,Laascaanood,Buuhoodle iyo Awdal oo Imtixaanadii gobolada dhamaan way na soo wada gaadheen waxana aan aad iyo aad ugu mahadnaqayaa waalidiinta,Ardeyda iyo meelaha laga soo qaadayey Imtixaanka Maayar ha joogo ama Badhasaab ha joogo ama dadkii waa weyna ee joogayba ee Badhan,Hadaftinimo,Midigale,Buraan,kalabeydh,Xamaas,Laascaanood,Xudur iyo Seylac dadku aad iyo aad ayey noo la shaqeeyeen runtii oo si hagar la,aan ah ayey dadku noo la shaqeeyeen dadku waxana weeye waxana aan salaan aad iyo aad u badan u dadkaasi sida fiican noo gala shaqeeyey intii uu Imtixaanku dalka ka socday”

Wasiirka Waxbarashadda Somaliland Marso Samsam Cabdi Aadan waxa ay intaasi raacisay “Deegaanka Midi kale oo kale sannadkan ayaa Dugsi laga dhisay sannadkii horena waa laysku khilaafay oo Imtixaanka  Buuhoodle oo waxa lagaga qaaday Imtixaanka Wedh wedh marna Buuhoodle into Imtixaanka lagu qaaday ayaa la rasaaseeyey,laakiin sannadkan Buuhoodle dhexdiisa laba Dugsi oo la kala yidhaahdo Samatar Baxnaan iyo Darwiish iyo Abubakar Sidiiq ayaa Ardeyda Imtixaanka lagaga qaaday Taleex oo kalena in kasta oo aanay (Grade) 8-da gaadhin waxa noo jooga Siddeed Macalin iyada oo Xudun iyo meelahaasi u dhawga Imtixaanka ardayda waa laga soo qaada, marka Sannadkan Imtixaanka waxa laga soo qaaday Ardayda Buuhoodle”

Dhina Kale Guddoomiyaha Xafiiska Imtixaanaadka Qaranka Somaliland Daa,uud  Axmed Faarax oo isna Shirkaasi Jaraa,id ka hadlay waxa uu yidhi “ Waxa weeyeen Dugsiga dhexe waxa u fadhiistay 13,320 (Saddex iyo Toban Kun Saddex Boqol iyo Labaatan)Arday,Dugsiyadda Sarena waxa u fadhiistay Imtixaanka 7,720 (Todoba Kun Todoba boqol iyo Labaatan Kun ),marka waxa ay Ardeyda Imtixaanaadka gashay ahaayeen ku dhawaad Sodon Kun oo dhaw dhaw”

Daa,uud  Axmed Faarax  isaga oo ka hadlaayey  waayo aragnimo mudo 40 sano ah oo Xafiiska Imtixaanaadka uu kaga soo shaqeeyey waxa uu yidhi “Horta waa run waan daalay oo mudo badan oo 40 sanno ah ayaan xafiiskankan Imtixaanaadka ka soo shaqeeyey,laakiin waxa weeyaan in aan ka fogaado ma rabo Xafiiska Imtixaanaadka oo Khibrad maadama oo aan u leeyahay waan sii caawinayaa Wasaaradda Waxbarashadda mooralbaanu ku caafimaad qabna oo ku shaqeynaynaa oo waa run oo waan daalay mudo badana waanu soo shaqaynay balse farxad ayaanu ku qabna hadii aan runta idiin sheegana inta ay Wasiirkeena Semsem Xafiiska joogtona waanu iska ag joogayna oo waanu caawineynaa.”