Xisbiga WADDANI Oo Siyaasi Qurba-Joog Ah Dalka Ku Soo Dhaweyey

0
568

Picture1Hargeysa(Geeska):-Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI ayaa si balaadhan u soo dhaweeyey Siyaasi Caydaruus Maxamuud Yuusuf oo ka mid ah qurba-joogta Somaliland ee Cariga Mareykanka.

Siyaasi Caydaruus Maxamuud Yuusuf oo shalay galinkii hore ka soo dagay garoonka diyaardaha ee magaalada Hargeysa ayaa waxaa soo dhawayntiisii ka qayb galay guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI Md:Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi(Cirro),Masuuliyiinta Sar-sare ee Xisbiga WADDANI,guddoomiyaha Xisbiga ee gobalka Maroodi Jeex iyo taageerayaal kale oo aad u tira badan.

Guddoomiyaha Gobalka Maroodi-jeex ee Xisbiga WADDANI Md:Saalax Muxumad Idiris(Shiine) oo ka hadlay soo dhawayntii Siyaasi Caydaruus Maxamuud Yuusuf ayaa sheegay in ay ka xisbiga ahaan ay aad ugu faraxsanyihiin in ay si diiran ay u soo dhaweeyaan Siyaasi Siyaasigan ruug cadaaga ah.

 “waxaanu maanta aad iyo aad ugu faraxsanahay inaanu halkan ku soo dhaweyno Muj. Caydaruus oo ah Guddoomiyaha Qurbo-jooga Beesha Axmed sheikh isaxaaq, howshani waxay bilow u tahay qorshe socda oo howluhu way dambeeyaan, laakiinse tan maanta aynu u taaganahay waa soo dhaweyn” Ayuu yidhi Saalax Muxumed Idiris (Shiine).

Yacquub Cabdilaahi Cumar oo kamid ah dhaliyarada ka soo jeeda isla beesha Siyaasiga ayaa insa dhankiisa sheegay in ay si diiran u soo dhawaynayaan Siyaasiga,waxaana uu carabka ku dhuftay in ay ka beel ahaan ay si toos ah ugu biiri doonaan Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI.

“Waxaan maanta soo dhaweynaynaa Guddoomiyaha qurbo-jooga Beesha Tol-jecle Siyaasi Caydaruus Maxamuud oo ah Musharaxa Beesha ee Xisbiga wadani ee Doorashooyinka Wakiillada” Ayuu yidhi Yacquub Cabdilaahi Cumar.

Siyaasi Caydaruus Maxamuud Yuusuf  oo sida oo kalena ka ah guddoomiyaha qurba-joogta beelaha Tol-jecle oo isna halkaasi ka hadlay ayaa ugu horayn si aada ugu mahad celiyey Masuuliyiinta Xisbiga WADDANI  ee sida diiran u soo dhaweeyey iyo sida oo kale dhamaanba taagaarayaashiisa iyaguna ka qayb qaatay soo dhawayntiisa,waxaana uu halkaasi ka cadeeyey in uu si toos ah ugu biirayo Xisbiga WADDANI.

 “waxaan u mahad naqayaa qof kasta oo maanta oo ay maalin khayr badan tahay halkan u yimi aniga awgay” ayuu yidhi Muj. Caydaruus “ howshuna way sii socon doontaa,Xisbinimadu maaha wax afka uun laga yidhaahdo ee waa mabda”Ayuu yidhi Siyaasi Caydaruus Maxamuud Yuusuf

Ugu danbayntiina guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Md:Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa isna hadal uu halkaasi ka jeediyey waxaa uu sheegay in ay si balaadhan ay u soo dhawaynayaan Siyaasiga iyo isaga oo carabka kudhuftay in ay sida oo kale ay ka Xisbi ahaana ay waji diiran ku qaabili doonaan madaama uu ku soo biiray Xisbiga WADDANI.