Qaabka Ay Dawladda Iiraan U Aasto Dadka U Dhinta Coronavirus Oo Argagax Ku Abuuray Bulshada Dalkaa

0
837

Xawaaraha uu ku fidayo xanuunka Coronavirus iyo qayl-dhaanta dacallada adduunka ka soo yeedhaysa ayaa abuurtay cabsi dheeraad ah iyo in loo dhegataago wararka la xidhiidha. Meelaha sida aadka ah looga soo sheegayo waxaa ka mid ah dalka Iiraan, oo hadda ay soo baxayaan warar la xidhiidha qaabka ay dawladda dalkaasi kula macaamisho maydadka dadka u dhintay xanuunka, oo muwaadiniinta argagax ku abuuray.

Hore waxaa dadka dalkaas calool xumo badan ugu hayey go’aanka ay dawladdu ku gaadhay maydadka dadka xanuunkan u dhinta in aan qoysaskooda lagu celin.

Xukuumadda ayaa maydka maydhaysa, kaddibna masuuliyadda aaska leh, waxaana mamnuuc ah aaska ay timaaddo cid aan ahayn kooxda shaqaalaha caafimaadka oo aasaya maydka.

Arrintan argagaxeedu waxa uu dadka ku sii kordhay markii la faafiyey muuqaallo si qarsoodi ah loo qaaday oo muujinaya maydka oo inta lagu duubay bac dhan walba ka xidhan, ay shaqaalaha caafimaadku ku ridayaan godad ka dhaadheer xabaalaha caadiga ah oo lagu ridayo. Arrintani waxa ay abuurtay dareen ah in dawladdu ay ka been sheegayso sheegashada ah in maydadka loo ladhaqayo, loona kanfayo qaab waafaqsan shareecada, maadaama oo ay muuqato in shaqaalaha caafimaadku ay ka taxaddarayaan in ay jidhkiisa taabtaan.

Si kastaba ha ahaado ee agaasimaha waaxda cisbitaallada iyo adeegyada caafimaad ee wasaaradda caafimaadka dalka Iiraan mudane Ridaa Kalabbiira ayaa sheegay in sababta qoysaska loogu diiday maydadkani ay tahay cabsi ay dawladdu ka qabto in xanuunkani uu ku faafo xubnaha kale ee qoyska.

Dawladda ayaa sida oo kale maydadka dadka u dhinta xanuunkan waxa ay ugu talagashay xabaalo gaar ah oo ka duwan kuwa dadka caadi ahaan lagu aasi jiray.

Qulaam Xuseyn Muxammadi oo ah agaasimaha xarunta xidhiidhada iyo arrimaha caalamiga ah ee degmada Tahraan ayaa sheegay in maydadka lagu duubayo dahaadh loogu talagalay, kaddibna aaskooda loo xil saarayo siddeed ruux oo u tababarran.

Doodo adag oo ka dhashay aragtida shareecada Islaamka ee aaska dadka u dhinta xanuunkan ayaa sababtay in hoggaamiyaha saree e dalka Iiraan Aayatullaahi Cali Khaamana’i uu soo saaro fatwo uu ku sheegayo in la dhawro waajibaadka shareecadu siisay maydka muslimiinta, oo ay ka mid tahay in la maydho, la kanfo laguna tukado. Isaga oo intaas ku daray in haddii ay xaaladdu adkaato oo maydhistu ay suurtageli weydo, in loo baahan yahay in qaabka ‘Tayamum’ ka ay shareecadu u taqaanno lo osameeyo, xitaa haddii ay noqonayso maydka oo duuban in dusha sare laga mariyo.

Laakiin culimada mad-habta sunniga ee gobalka Kurdistaan ee galbeedka Iiraan ayaa iyagu hoggaamiyaha Iiraan ku khilaafay fatwadaas, waxa aanay banneeyeen in ay bannaantahay in la aasi karo iyada oo aan la maydhin laguna xidhin kafan, haddii laga baqo in arrintaasi ay ka qayb qaadato faafitaanka xanuunka. Waxa kale oo ay xukuumaddu diiday in qoysaska dib loogu celiyo dharka iyo xamamata kale ee uu qofka xanuunkan u dhintay lahaa.

Cabashada ehelka maydka ee loo diiday in ay aasaan, ayaa ay xukuumaddu kaga jawaabtay in ay fursad u siiso in inta ana dhakhtarka laga qaadin ay dadku sii arkaan maydka ehelkooda ah, iyada oo ay u dhexeyso quraaradda lagu xidhay qafiska uu ku jiro qofka xanuunkan u jiifaa.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here