Faysal Cali Waraabe Oo Dib U Soo Celiyay Xubintii UCID Ee Guddiga Doorashada Iska Casilay Iyo Cabdiraxmaan-Cirro Oo La Filayo Inuu Soo Magacaabo Xubintii Waddani

0
566

Hargeysa(Geeska)-Xisbiga UCID ayaa dib u magacaabay xubintii guddiga doorashooyinka ka tirsanayd ee iska casilay xubinimada guddigaas Md. Xasan Yuusuf Ducaale oo uu xisbigu sheegay inaanu ka aqbalin is casilaadaas.

Qoraal uu xisbiga UCID u gudbiyay Madaxweyne Biixi oo uu ku saxeexnaa guddoomiye Faysal Cali Waraabe, wuxuu Madaxweyne Biixi ka codsaday inaanu ka aqbalin is casilaadaas maadaama oo aanu xisbiguba ka aqbalin islamarkaana aanu is casiladiisa ku sheegin qoraal uu u gudbiyay hay’adaha ay khusaysay.

Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay xafiiska Madaxweyne Biixi oo ku saabsan dalabka xisbiga UCID iyo dib u soo magacaabista xubintii hore iskaga casishay guddiga doorashooyinka.

Geesta kale, xisbiga Waddani ayaa isna la filayaa inuu dib u magacaabo xubintii uu hore guddiga doorashada ugu xulay balse uu la laabtay ka hor intii aanay golaha wakiilada ansixin. Md. Cabdikariim Yaasiin Sheekh Dalmar ayaa la filayaa in guddoomiyaha xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi maalmahan u gudbiyo Madaxweyne Biixi.

In labada xisbi mucaarad dib u soo magacaaban labadii xubnood ee ay ku lahaayeen guddiga doorashooyinka ayaa ka mid ahaa qodobadii heshiiskii dhex maray Madaxweyne Biixi iyo mucaaradka oo uu ergayga Midowga Yurub ka soo shaqeeyay.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here