Real Madrid Oo Guul-Darro La Kulantay Iyo Zidani Oo U Muuqda Mid Tabay Ciyaaryahanka Fede Valverde

0
574

Tababaraha kooxda Real Madrid Zidane ayaa sheegay in aanu sharixi karin sababtii keentay guuldaradii Real Madrid ka soo gaadhay Real Betis laakiin waxa ay u muuqataa inuu tabay Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Fede Valverde. Zidane ayaa go’aansaday in aanu ciyaarsiin  Valverde waxaana ay kooxdiisu shaki la’aan tabtay Ciyaaryahankan. Real Madrid ayaa la kulantay guuldaradii 3-aad ee horyaalka La Liga xilli ciyaareedkan laakiin Guuldarooyinkan ayaa dhamaantood yimid iyada oo uu ka maqan yahay  Fede Valverde. Zidane ayaa Fede Valverde bedel ku soo galiyay iyada oo 11 ka dhimantahay dhamaadka kulankii Real Betis, halka uu kulankii Levante soo galiyay iyada oo 9 daqiiqo ka dhimantahay iyada oo uu kulankii Real Mallorca soo galiyay iyada oo 24 daqiiqo ka dhimantahay. Kadib xogtan waxa iska muuqata in aanay Real Madrid wax guul ah gaadhin marka uu Zidane shaxdiisa ku bilaabi waayo  Fede Valverde. Dhinaca kale  Shabakada xogta ururisa ee Opta ayaa sheegtay in  Eder Militão yahay Ciyaaryahan nasiib xumada kula soo biiray Real Madrid xilli ciyaareedkan tartamada oo dhan. Shabakada ayaa sheegtay in ay Real Madrid la kulantay 6 guuldaro 39 kulan oo ay ciyaartay tartamada oo dhan isla markaas  Eder Militão ayaa ku bilowday shaxda Real Madrid 4 ka mid ah guuldarooyinka soo gaadhay Real Madrid. Kulamada uu Eder Militão ku bilowday Shaxda Real Madrid ee ay kooxdu guuldarada la kulantay ayaa kala PSG (Champions League), Mallorca (LaLiga), Real Sociedad (Copa Del Rey) iyo  Real Betis(LaLiga).Eder Militão ayaa Real Madrid kaga soo biiray kooxda Fc Porto xagaagii isaga oo ugu soo biiray lacag dhan 50 milyan oo euro.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here