Putin: Hoggaamiye Qoyskiisa Ka Fogeeyay Xilka Uu Qarankiisa U Hayo

0
912

 

ButinMoscow (W.Wararka)- Inta badan madaxda dunida waxaa ku dhib noqota in ay kala saaraan qoyskooda iyo siyaasadda dalka, ula kac iyo jileec mid sabab u ahba waxaa dhacda in hoggaamiyuhu xakamayn kari waayo xaaskiisa ama carruurtiisa, waxaana inta badan ka dhasha muran iyo maamul xumo badan.

Haddaba waxa la aaminsan yahay in raysalwasaaraha dalka Ruushka Vladimir Putin uu arrintaas kaga hormaray dhiggiisa dalalka kala duwan ee dunida hoggaamiya oo qaar badan oo ka mid ahi ay ku guuldaraysteen inay xaasaskooda iyo ubadkooda ka fogeeyaan talada qaranka iyo weliba farogelinta maamulka. Warbixin dhowaan uu wargeyska Times ee ka soo baxa dalka Maraykanku ka qoray  hab-dhaqankan Putin ayaa lagu yidhi, “Putin waxa uu ku guulaystay in uu dabool rasmiya saaro xogta ku saabsan noloshiisa shakhsiga ah, taas oo ah tallaabo dhammaan ragga muhiimka ah ee dunidu ku riyoodaan balse aan u suurtogelin.

In kasta oo uu Putin hoggaaminayey dalka Ruushka muddo ka badan Toban sano, haddana shacabka Ruushku illaa hadda ma yaqaannaan, muuqaalka hablihiisa oo haatan qaan gaadh ah, wararka ay warbaahintu ka sheegaysaana waa kuwo is burinaya taas oo mar kale  caddaynaysa sida nolosha gaarka ah ee raysalwasaare Putin u tahay mid ka fog siyaasadda iyo masraxyada la iska arko” sida warbixintani sheegayso lama yaqaan in hablaha Putin xaas yihiin, in ay dalka gudihiisa ku nool yihiin ama haddii kale dalka ay joogaan. Xattaa dadka arrintan Putin aad u daba galay waa ay ku fashilmeen in ay wax xog ah ka helaan Internet-ka oo inta badana laga helo magacyada iyo sawirrada ama xogta dadka caanka ah iyo ubadkooda.

Keliya waxaa la og yahay in Putin uu dhalay laba hablood oo kala ah Maria Putin oo dhalatay sannadkii 1985-kii iyo Yekaterina Putin oo iyaduna dhalatay sannadkii 1986-kii. In ay talo yimaaddaan ama masraxyada siyaasadda ee dalka Ruushka kaalin ku lahaadeen ha joogto ee xattaa lama yaqaanno sawirkooda dhabta ah. xaaska Putin ayaan iyadana sidoo kale lagu arag fagaarayaasha siyaasiga ah, marka laga reebo marar kooban oo ay safar u raacdo ninkeeda, mararkaasna ku koobnaato arrimo ka fog siyaasadda. Waxa ay gaadhay in warbaahinta qaar mararka qaarkood saadaaliyaan warar ku-tidhi-ku-teen ah oo sheegaya in Putin uu furay xaaskiisa, laakiin warkaas waxaa beeniyey Putin. Cid kasta oo isku dayda in ay wax ka qorto ama ka sheekayso xogta qoyska Putin iyo sida ay ugu suurtogashay in uu ka fogeeyo siyaasaddu waxa ay ku dambaysaa fashilaad, waxaana qoraalladooda ama hadallada ay jeediyaan sida dhaaraarta uga dhex muuqda xog yaraan.

Raysalwasaaraha dalka Ruushka oo hore muddo toban sano ah dalkiisa madaxweyne uga ahaa, markii muddadii ka dhamaatayna dib loogu doortay in uu noqdo raysawasaaraha dalka ayaa la saadaalinayaa in uu mar kale jagada madaxweynenimo isu soo sharrixi doono doorashooyinka soo socda.

In kasta oo ay jiraan hoggaamiyeyaal badan oo soo maray ama hadda jooga dunida oo ku guulaystay in ay kala saaraan xilka qaranka iyo masuuliyadda qoyskooda, carruurtooda iyo xaasaskoodana ka fogeeyey golayaasha laga arrimiyo, haddana tani waxa ay noqonaysaa tii nooceeda ugu horreeyey maadaama oo ka fogeynta siyaasadda u dheeraatay in uu ku guulaysto in warbaahintu aanay waxba ka ogaan qoyskiisa iyo arrimihiisa gaarka ah.