Hay’adda TOSTAN Oo Qalabka Nadaafadda Ku wareejisay Gobalka Hargeysa

0
3908

 

 

Totsan

Hargaysa(Geeska) Hay’ada TOSTAN ayaa shalay deeq qalbka dhulka lagu nadiifiyo ah gudoonsiisay badhasaabka gobalka Maroodi Jeex Md.Axmed Cumar Cabdilaahi  ( Xamarji), deeqdaas oo ay haay’adu sheegay inay ugu talo gashay maalinta olalaha nadaafada qaranka ee madaxwaynuhu uu go’aamiyay in 45-kii cashaba hal mar la qaado.

 

 

Ugu horayn masuulka haay’da TOSTAN Cumar Naam ayaa waxa uu badhasaabka gobalka Maroodi Jeex uga war bixiyay hawlaha ay  hay’ada TOSTAN wadanka ka qabato iyo waxa ay u aas-aasantahay, hadaladiisiina waxa kamid ahaa “Aad ayaan ugu faraxsanahay inaan maanta ku-lano , anagu hadaanu nahay TOSTAN arintii uu madaxwaynuu aas-aasay ee hayd in nadaafada magaaloyinka ee 45 cashaba mar in ollale lagu qaado, waa barnaamij haayadu ay iyadu iskeed bulshada dhexdeeda uga dhex-wado, haay’adu waxa ay ka shaqaysaa waxbarashada dadban, waxbarashada dadbana waxa u raaca inay gudiyo dhisto ka shaqeeya waxbarashada, caafimaadka, deeganka iyo nadaafada, markaa arintii ay marka hore haayadu ku hawlanayd ayaa ay arintanina xoojisay. Markaa waxa nala qurux badnaatay hadaanu TOSTAN nahay in dadaalkii ay dawladani muujisay aanu anaguna ku garab galno, waxa aaanu ku deeqaynaana maaha wax wayn ee lakiin inaan ku garab galno dawlada talaaabda xaga nadaafada ee ay qaaday uun baan rabnaa. Tani waa talaabadii ugu horaysay, hadaanu TOSTAN nahayna markasta waxa aanu la diyaar nahay waxii caafimaadka iyo nadaafada bulshada kor u qaadaya inaanu ka dhiibano intii markaa itaal kayagu yahay”

 

Qalabkan  la gudoonsiiyay badhasaabka gobalka Maroodi Jeex ayaa waxa uu ka koobnaa 20 Kooryoone, 20 Majarafadood, 20 Farageeto iyo 20 Burushyada dhulka lagu nadiifiyo ah. Waxaanay sidoo kale xuseen masuuliyiinta hay’adani  inay gaadhsiinayaan tuulada Qol-ujeed intan ay soo gaadhsiiyeen badhsaabka gobalka Maroodi Jeex oo kale.

 

Badhasaabka Maroodi Jeex Md.Axmed Cumar Cabdilaahi ayaa isaguna dhankiisa  mahad naq u soo jeediyay haay’ada TOSTAN, waxaanu ku amaanay sida ay u danaynayaan maalinta qaran ee nadaafada uu madaxwaynuu u asteeyay iyo hawlaha ay u qabtaan wadanka.

 

Hay’adani ayaa ah mid inta badan ka shaqaysa arimaha caafimaadka iyo wax barshada dadban oo uga faa’idaysa dadbana oo reer Somaliland ah oo baahi uqabay hawlaha ay hay’adani TOSTAN u qabanayso.