Madaxweynaha Oo Caydhiyay Guddoomiyihii Maxkamadda Sare Iyo Guddigii Garsoorka

0
806

 

oomaneHargeysa (Geeska)- Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa shalay xilkii ka qaaday Guddoomiyihii Maxkamada sare ee Somaliland Maxamed Xirsi Ismaaciil (Oomane) iyo garooreyaashii maxkamadaasi.

Sida lagu sheegay warsaxaafadeed ka soo baxay xarunta Madaxtooyada, Madaxweynuhu magacaabay garsoorayaal cusub, oo uu laba ka mid ah u cusboonaysiiyay xilalkoodii. Warsaxaafadeedka madaxtooyada ka soo baxay oo uu ku saxeexanyahay Afhayeenka Madaxtooyada Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse) ayaa wuxuu u qornaa sidan:

“Waxa uu maanta Digreeto Madaxweyne ku kala Diray Guddida Garsoorayaasha Maxkamada Sare isla markaana waxa uu Madaxweynuhu xilkii ka qaaday Gudooomiyihii Maxkamada sare, isla markaana Madaxweynuhu waxa uu labada Gole ee Guurtida iyo Wakiilada u gudbiyey xilka qaadista Gudoomiyaha Maxkamada Sare, sida uu sharcigu tilmaamayana waxa uu madaxweynuhu ka Codsaday in ay Waajibkooda Sharci ka gutaan kana aqbalaan xilka qaadista Gudoomiyaha Maxkamada Sare.

Madaxweynuhu waxa kale oo uu magacaabay Garsoorayaashii Buuxin lahaa Xilalka Bannaanaaday.

 

Talaabadan madaxweynuhu ku kala Diray Guddida Garsoorayaasha waxay qayb ka tahay toosinta garsoorka Dalka oo uu saluug badani ka jiray.

 

Waxaanu Madaxweynuhu Digreetadiisa ku yidhi sidan :-

Markuu Arkay: Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland,

 

Markuu Arkay: Qodobka 105aad, Faqradiisa 3aad ee Dastuurka

Jamhuuriyadda Somaliland,

 

Markuu Arkay: Warbixintii iyo talo soo jeedintii Guddida Cadaaladda ee ku taariikhaysan10/04/2011, taasoo tilmaamaysay in ay adagtahay wada shaqaynta Gudoomiyaha Maxkamadda Sare iyo Guddida Cadaaladdu,

 

Markuu Arkay: Deraasada iyo u kuur-galkii uu La-Taliyaha Madaxweynuhu ee Arrimaha Nabadgelyadu ku soo bandhigay xaaladda maxaabiista jeelasha dalka garsugayaasha ku ah iyo duruufahooda kala duwan oo muujinaysay cadaalad darrada baahsan ee wadanka ka jirta,

Markuu Yaqiinsaday: In Gudoomiyaha Maxkamadda Sare aanu wadi Karin dib-u-dhiska Garsoorka iyo sugidda Cadaaladda ee uu Qarankani u baahanyahay.

 

Wuxuu Go’aansaday

 

In laga bilaabo taariikhda maanta uu xilkii Gudoomiyenimo ee Maxkamadda Sare ka qaado Mudane, Maxamed Xirsi Ismaaciil (Oomane).

 

Xilka Qaadista Garsoorayaasha waxa uu madaxweynuhu u cuskaday qodobadan Dastuuriga ah :-

 

Markuu Arkay: Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland,

 

Markuu Arkay: Qodobka 105aad, Faqradiisa 3aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland,

 

Markuu Arkay: Warbixintii iyo talo soo jeedintii Guddida Cadaaladda ee ku taariikhaysan 10/04/2011, taasoo tilmaamaysay in ay adagtahay wada shaqaynta Garsooreyaasha iyo Guddida Cadaaladdu,

 

Markuu Arkay: Deraasada iyo u kuur-galkii uu La-Taliyaha Madaxweynuhu ee Arrimaha Nabadgelyadu ku soo bandhigay xaaladda maxaabiista jeelasha dalka garsugayaasha ku ah iyo duruufahooda kala duwan oo muujinaysay cadaalad darrada baahsan ee wadanka ka jirta,

 

Markuu Yaqiinsaday: In loo baahanyahay firfircooni iyo dhiig cusub lagu soo kordhiyo Garsooreyaasha Maxkamadda Sare oo ka qayb qaadanaya dib-u-dhiska Garsoorka iyo sugidda Cadaaladda ee uu Qarankani u baahanyahay.

 

Wuxuu Go’aansaday

 

1. In laga bilaabo taariikhda maanta uu xilkii Garsoore ka qa