Prof. Axmed Ismaaciil Samatar Oo La Filayo Inuu Beri Dalkiisa Dib Ugu Soo Laabto Iyo Soo Dhawayn Balaadhan Oo Loo Samaynayo

0
601

Picture3Hargeysa(Geeska)-Prof. Axmed Ismaaciil Samatar, oo ah aqoonyahan reer Somaliland ah ayaa la filayaa inuu Axadda beri soo gaadho wadanka Somaliland, ka dib markii uu muddo dheer kaga maqnaa dibadaha.

 

Prof. Samatar, waxa uu Axadda beri ka soo degayaa madaarka Berbera, waxaana socota qaban qaabo balaadhan oo lagu soo dhawaynayo, waxaana la filayaa in marka uu soo gaadho magaalada Hargeysa uu salaan ugu tago Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo.

Xukuumadda Somaliland ayaa la sheegay inay si aan toos ahayn qayb uga tahay soo dhawaynta la doonayo in loo sameeyo aqoonyahankan.

Axmed Ismaaciil Samatar, ayaa iska casilay xildhibaanimadii Baarlamaanka Somaliya oo uu ka tirsanaa, waxaanu u muuqdaa inuu ka soo qancay siyaasadda Somaliya. Prof. Samatar, inkastoo aanu weli aragtidiisa siyaasadeed cadaynin, haddana wuxuu dhawr goor khudbado uu jeediyay ku sheegay inuu u soo noqday Somaliland.

Si kastaba ha ahaate, waxa la filayaa in Prof. Axmed Ismaaciil Samatar, uu si dhab ah u cadeeyo mawqifkiisa iyo inuu ka soo qancay aragtidiisii federaalka Somaliya islamarkaana uu u soo noqday madaxbanaanida Somaliland.