Madaxweyne Siilaanyo Oo Sheegay Inay Xukuumadiisu Dhiirigelinayso Xorriyadda Saxaafadda, Si Koobana Uga Hadlay Gudo-galkii SNM Ee Hargeysa Iyo Burco

1
604

Picture4Hargeysa(Geeska)-Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo, ayaa sheegay inay dawladiisu sii wadayso dhiirigelinta xorriyadda saxaafadda.

Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo, ayaa qoraal kooban oo la geliyay barta uu ku leeyahay twitterka wuxuu ku hambalyeeyay telefishanka HCTV, oo Arbacadii u dabaal degay 10 guuradiisii ka soo wareegtay markii la aasaasay. “Hambalyo HCTV. Dawladda Somaliland waxay sii wadaysaa inay dhiirigeliso xorriyadda saxaafadda. Waxaanu leenahay dhawr telefishan oo gaar loo leeyahay.” Ayuu ku yidhi qoraalkaas gaaban Madaxweyne Axmed Siilaanyo.

Geesta kale, waxa kale oo uu Madaxweynuhu bartiisan si kooban ugaga hadlay gudo-galkii ciidamadii SNM ee Hargeysa iyo Burco ee 1988 oo ay ka soo wareegtay 25 sannadood. “Guusha weyni waxay inta badan ka dhalataa naf hurid. Dagaalyahanadii SNM 25 sannadood ka hor waxay u kaceen inay badbaadiyaan dadkooda. Waa in la xasuustaa.”  Sidaas ayuu ku yidhi Madaxweynuhu qoraalkiisa uu geliyay bartiisa Twitterka.

Labadan weedhood ee uu Madaxweynuhu baahiyay ee la xidhiidha xorriyadda saxaafadda iyo halgankii SNM ayaa fasiraado laga bixiyay. Qodobka xorriyadda saxaafadda ayay dadka qaarkii aaminsanyihiin in Madaxweynuhu sababta uu uga hadlay tahay dareen laga yaabo inuu ogaaday oo ah dhibaato ay saxaafadda madaxabanaani xukuumadiisa ka tirsato, halka qodobka ku saabsan gudo-galkii SNM uu isna yahay bogaadin maadaama oo uu wakhtigaas ahaa guddoomiyihii SNM.

Comments are closed.