Danjire Augustine Mahiga Oo Nabadgelyeeyay Dadkii Kala Soo Shaqeeyay Xafiskii UNPOS

0
604

Picture2Hargeysa(Geeska)-Ergaygii Qaramada Midoobay u qaabilsanaa Somaliland iyo Somaliya Danjire Mahiga iyo xafiiskii uu madaxda ka ahaa ee UNPOS, ayaa maanta si rasmi ah u macasalaamaynaya gobalka Geeska Afrika.

 

Waxa xilkoodii la wareegaya diblomaasi Ingiriisi ah Mr. Nick Kay iyo xafiis cusub oo Somaliland iyo Somaliya loo soo igmaday, kuwaas oo 3 June oo ah Isniinta saadambe si rasmi ah u hawlgeli doona. Xafiiska cusub ayaa lagu magacaabaa UNSOM.

Augusine Mahiga oo dhawr sannadood xilkan soo hayay ayaa si qoto dheer u dhex galay Somalida, waxaana dhawr goor lagu eedeeyay inuu la saftay dhinac ka mid ah dhinacyada isku haya siyaasadda Somaliya. Mr. Mahiga ayaa barta ay UNPOS ku lahayd twitterka ku nabadgelyeeyay dadkii ay soo wada shaqeeyeen.

Geesta kale, Danjire Nick Kay, ayaa la filayaa inuu toddobaadkan booqasho ku yimaado caasimadda Somaliland ee Hargeysa, waxaanu kulan la yeelan doonaa Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo. Diblomaasigan ayaa la filayaa inay Madaxweyne Silaanyo ka wada hadlaan qaabka ay u wada shaqayn doonaan.