Oofwareenku Waa Cudur Ay Dadku Dhayalsadaan Laakiin Ilbidhiqsi Kasta Ilma Yar Ku Dila Adduunka

0
1170

 

Washington (Geeska)- Hay’adda caafimaadka adduunka ayaa warbixn ay soo saartay salaasadii 13-ka Noofambar waxa ay ku sheegtay in sannadkii 2018 ka ay 800 oo kun oo carruur ahi dunida ugu dhinteen sababta caabuqa ku dhaca kiishashka neefta ee sambabada ku guda jira. Taas oo celcelis ahaan u dhiganta in ilbidhiqsi kasta uu ilmo yari adduunka ugu dhinto xanuunkan loo yaqaanno ‘Oofwareenka’ oo ah cudur la dweyn karo, isla markaana laga hortegi karo.

Hay’adda qaramada midoobey u qaabilsan carruurta ee UNICEF iyo hay’adda badbaadinta carruurta ee Save the Children iyo hay’ado kale ayaa warbixin ay xanuunkan kaga warrameen oo ay u bixiyeen ‘Cudurka la illaaway’ waxa ay xukuumadaha dunida ugubaaqeen in ay kor u qaadaan maalgelinta tallaalka lagaga hortago cudurkan iyo deegyada caafimaad iyo daweynta la siinayo carruurta uu ku dhaco xanuunkan.

Inkasta oo uu yahay xanuun si fudud loo aqoonsan karo, loo daweyn karo, loogana hortegi karo, haddana weli waa dilaaga ugu weyn ee dhallaanka adduunka.

Oofwareenka waxaa sababa bakteeriya, Fayras ama  Fangi ku dhasha kiishka neefta ee sambabada, waxaana lagaga hortegi karaa tallaal, iyada oo qofka uu ku dhacayna lagu daweyn karo dawooyinka anti-baayootiga ah ee hadba xaaladdiisa ku habboon, iyo marka xaaladda bukaanku sii adagtahay oo ogsajiin la adeegsado.

Xanuunka Oofta (Oofwareenka) oo sida oo kale Soomaaliya logo yaqaanno ‘Kolba aariyo’ waxa uu ku badan yahay dalalka faqiirka ah. Carruurta sannadkii 2018 dunida ugu dhimatay xanuunkani, kala badh waxa ay ka soo jeedeen dalalka Nayjeeriya, Hindiya, Baakistaan, Jamhuuriyadda Dimuqraaddiga ah ee Koongo iyo Itoobiya. Waxa aanay ahaayeen dhallaan aanay badankoodu laba sano gaadhin.

Kevin Watkins oo ah agaasimaha hay’adda badbaadada carruurta ee ‘Save The Children’ ayaa sheegay in carruurta Shan jir ka yare e adduunka sannadkii ku dhinta, boqolkiiba 15 ka mid ahi ay u dhintaan sababta xanuunka Oofta. Haddana xanuunka sidaas u khatarta badani uu celcelis ahaan boqolkiiba 3 keliya ka helo dhaqaalaha adduunku ku bixiyo cilmibaadhisaha dawada iyo tallaalka loogu raadiyo cudurrada.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here