Xiddiga Marlboro: Weligii Sigaar Muu Nuugin, Haddana Wejigiisu Caalamadda Ugu Caansan Ee Sigaarka

0
997

 

Washinton (Geeska)- Waxaa dhowaan sagaashan jir ku geeriyooday ninka muuqa wejigiisu calaamadda u noqday sigaarka Marlboro ee caanka ah. Ninkan oo magaciisa saxda ahi yahay Bob Norris waxa uu kaalin weyn ka qaatay faafinta isticmaalka sigaarka. Noris waxa uu jili jiray lo’jir sigaarka Marlboro si ba’an u nuuga. Iyada oo sawirkiisa lagu dhejin jiray boodhadh waaweyn, isla markaana muddo 12 sano ah ka soo muuqan jiray xayeysiisyada sigaarkan ee ay baahiyaan talefishannada iyo wargeysyadu.

Wiil uu Bob dhalay oo ka warramay sida ay ku timi in aabihii xayeysiiyo sigaarka ayaa sheegay in qaar ka mid ah agaasimeyaasha shirkadaha xayeysiisku ay arkeen sawirka Bob iyo saaxiibkiisa isna jilaaga ahaa ee John Weyne, kaddib waxa ay ugu yimaaddeen beertiisa, iyaga oo u soo bandhigay in uu xayeysiiska sigaarka Marlboro sameeyo, taas oo ay toddobaad kaddib ku qanciyeen.

Si kastaba ha ahaato ee markii uu Noris muddo ka shaqaynayey xayeysiiska sigaarkan uu wejigiisu caanka ku noqday, isaga oo aan weligii xabbad sigaar ah qiijin, ayaa uu si kedis ah shaqada u joojiyey. Kaddib markii laba hablood oo uu dhalay ay sigaar nuugista barteen, markii u ka dalbaday in ay iska daayaanna ay weydiiyeen, sababta uu iyaga uga joojinayo isaga oo dadka kalaba u xayeysiinaya wanaaggiisa. Isla maalintii ay hablihiisu ereygaas ku yidhaahdeen ayaa uu Norris joojiyey shaqadii xayeysiinta sigaarka.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here