Xoolka Ama Kursiga Lulmaa Iyo Furaashka Aan Isku Sinnayn Waxa Uu Khatar Ku Yahay Nolosha Dhallaanka

0
993

 

Washington (Geeska)- Hay’adda dalka Maraykanka u aqoonsan dhowrista badqabka waxsoosaarka oo magaceeda loo soo gaabiyo CPSC ayaa ka digtay isticmaalka sariirta, xoolka ama kursiga ruxma ee dhallaanka. Kaddib markii sahamin cilmi ah oo dhowaan la sameeyey, lagu ogaaday in ka badan 73 carruur ah oo Maraykanka ugu dhintay sababo la xidhiidha qalabkan oo carruurta lagu maaweeliyo.

Intee ilmaha la ruxi karaa?

Waxa ay dhakhaatiirtu ku taliyeen in carruurta qaab fidsan dhabarka loo jiifiyo. Iyada oo dembi baadhiso, dacwado maxkamadeed iyo cilmibaadhiso lagu sameeyey dhallaan kala duwan oo hurdada ku dhintayna lagu ogaaday in badankoodu ay u jiifeen xagal qalloocda 10 digrii oo kor ah.

Waxa kale oo ay khubaradu sheegeen in ilmaha oo lagu seexiyo furaash ama sariir dhinac u dheellisan,ay keeni karto in uu dhinaca hoose isu rogo kaddibna uu afka dhulka saaro, maadaama oo aanu si rogi karinna ay taasi keento in uu neef qabatoobo.

Waxaa iyaguna hore u jiray daraasado tiro badan oo xaqiijiyey in lulanka ama luxistu ay ilmaha ku keento dhaqaaq dhinaca maskaxda ku yimaadda, taas oo sababi karta dhimasho kedis ah, ama in dhiigfuran iyo in maskaxdu guurto. Waxa ay daraasadahaasi ka digeen in waalidku uu ilmihiisa kor ugu tuur-tuuro sida marar badan dhacda. Waxaana la arkay xaalado badan oo noocan ah oo ay ka dhalatay in ilmaha maskaxda dhiig kagafurmo, in ay guurto maskaxdu iyo dhaawacyo kala duwan oo soo gaadha maskaxda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here