Maayarkii Lascanod Oo Damiin Lagu Soo Daayay Iyo Badhasaabka Oo Ka Hadlay

0
739

 

laascanoodHargaysa(Geeska) Maayrkii hore ee  magaalda Laasacaanood Axmed Aw Daahir Xaaji Xasan ayaa  damaand lagaga sii daayay xabiga magaalada laasacaanood oo lagu hayay labadii maalmood ee u danbeeyay.

Badhasaabka gobalka Sool Jaamac Cabdilahi Diiriye oo wargayska Geeska Afrika uu xalay la xidhiidhay ayaa  xaqiijiyay in Axmed Aw Daahir lagu sii daayay damaand ay saxeexeen Odayaal, isla markaana damaanadaasi loogu ogalaaday in uu gurigiisa uun ku joogo, badhasaabka oo arintaasi ka hadlayaana waxa uu yidhi “waxa lagu soo daayay damaanad, waxaana damiintay odayaal oo waxa loo ogalaaday inuu damaanadaas ku joogo gurigiisa, dabcana dee waa lagu ilaalinayaa. Dacwadii loo haystayna halkiibay ka sii soconaysaa, laakiin waxa kaliya oo damaanadaas lagu ogalaaday inuu gurigiisa joogo oo xabsiga laga soo saaro.”

Maayarkii hore ee magaalda Laasacaanood ayaa waxa loo haystaa tuhuno la xidhiidha qaraxyadii magaaladaasi ka dhici jiray ee lala beegsan jiray masuuliyiin xilka ka haya Somaliland, waxaanay qaraxyadaasi galaafteen madax iyo saraakiil aad u tiro badan.