Obama Xilka Marka Uu Dego Maalin Kasta Shan Jeer Ayaa Uu Eedaanka Salaadda Maqli Doonaa

0
569

wwwWashington (Geeska)- Madaxweynaha dalka Maraykanka ayaa go’aansaday in marka xilku uu ka dhammaado aanu sida madaxweynayaasha kale looga bartay dib ugu noqon gobolka uu asal ahaan ka soo jeedo, waxa aanu qorshaynayaa in isaga iyo qoyskiisu ay degaan xaafadda Kalorama ee caasimadda dalka Maraykanka oo ay degaan dadka ladani, Guriga Cad ee Maraykanka looga taliyo oo uu Obama Siddeedii sano ee u dambeeyey ka arriminayeyna 3 kiiloomitir oo keliya u jirta.

Madaxweyne Obama Kalorama oo kursiga ka degaya bisha u horreysa sannadka 2017ka ayaa sheegay in uu Washington sii joogi doono inta ay inantiisa Sasha dhamaysanayso waxbarashada dugsiga sare oo kaga eeg sannadka 2018ka, muddadaas uu sugayana uu qoysku kiro ahaan u deggenaan doono gurigan oo ah 9 qol oo hurdo ah, kuna fadhiya dhul bedkiisu dhan yahay 762 Mitir oo afar jibbaaran.

Dad xog-ogaal u ah qorshaha madaxweyne Obama oo codsaday in magacooda la qariyo ayaa arbacadii 25ka May u sheegay wargeyska New York Times oo Geeska Afrika warkan ka soo xigtay in gurigan uu iska leeyahay Joe Lockhart oo madaxweyne Clinton u ahaan jiray la-taliye sare oo dhinaca warbaahinta ah, waxa aanu qoyska Obama bishii ku kiraysan doono 22 Kun oo doolar.

Gurigan oo muuliyiinta warfaafinta Guriga Cad ee Maraykanku ay diideen in ay ka hadlaan qorshan Obama damacsan yahay, ayaa ay warbixintan New York Times sheegtay in uu leeyahay qab gaar ah oo ay degi donto Marian Robinson oo ah Michelle Obama oo hooyadeed (Barak Obama soddohdii) oo muddadii uu xilka hayeyba Guriga Cad la deggenayd. Waxa aana la sheegayaa in gurigan uu amni ahaan u doortay Obama, maadaama oo uu yahay guri dhul ballaadhan ku fadhiya oo aanay cidhiidhi ka dareemi doonin kooxda amniga ee hadda kadib marka xukunkiisu dhammaado sida joogtada ah ula noolaan doonto si ay ammaankiisa u sugto, waxa uu gurigu qaadayaa baabuur badan waxa aanu leeyahay dhismayaal ammaanka loogu talogalay.

Gurigan waa guri qaddiimi ah oo la dhisay sannadkii 1928, waxa aanu ku yaallaa jidka loo yaqaanno jidka safaaradaha, oo ku dhow safaaradda dalka Cummaan, iyo safaraado iyo guryo safiirro oo kale. Waxaa sidoo kale aad ugu dhow mid ka mid ah masaajidda ugu weyn dunida galbeedka oo dhan, oo lagu magacaabo Xarunta Islaamiga ah ee Washington, taas oo macnaheedu yahay in uu maalin kasta Shan jeer maqli doono Dhawaqa yeedhmada salaadda (Eedaanka), isla markaana arki doono dad aad u tiro badan oo ah muslimiin si joogto ah u yimaadda xaruntan gaar ahaan maalmaha Islaamku sida gaarka ah u weyneeyo, sida ciidaha, jimcayaasha iyo bisha barakaysan ee Ramadaanka. Arrintani waxa ay xiise gelisay warbaahinta reer galbeedka oo maalmihii u dambeeyey si aad ah wax uga qorayey iyaga oo cinwaanno waaweyn ka dhigtay Obama in uu masjid ka ag dhowaan doono.