Ninkii Xadhiga Daldalaadda Qoorta U Geliyey Saddaam Xuseen Oo La Dilay Iyo Kii Ciidamada Maraykanka Ku Soo Hagay Qabashadiisii Oo Maraykanka Lagu Xidhay

0
525

ddddWashington (Geeska)- Xisbul Bacaskii Saddaam Xuseen ee laga mamnuucay dalka Ciraaq ayaa warmurtiyeed uu soo saaray ku caddeeyey in ciidamadiisu ay khaarajiyeen mid ka mid ah raggii fuliyey xukunkii dilka ahaa ee Saddaam Xuseen lagu daldalay. Xisbigu waxa uu sheegay in meel ku dhow jidka Yuusufiya ee magaalada Baqdaad ay ku dileen Maxamed Nasiif Al-Maaliki, oo ah ninka ka muuqday sawirka daldalaadda Saddaam Xuseen isaga oo qoorta u gelinaya qoolka xadhigii lagu daldalay. In kasta oo aanay xukuumadda Ciraaq qirin isla markaana diidin dilka Maxamed Nasiif Al-Maaliki, oo sida laga arko filimkii daldalaadda marka hore isku dayey in uu Saddaam madaxa u geliyo kiisha madow, balse uu Saddaam ka diiday, waxa uu Xisbu Bacasku warkiisan ku sheegay in markiisa hore ahaan jiray booshariile khudradda ku iibiya suuqa Qadaa’ Dawriij, kadibna uu ka mid noqday ciidamadii ilaalada raysalwasaarihii hore ee Ciraaq Nuur Al-Maaliki, markii uu daldalaadda Saddaam Xuseen si firfircoon uga qayb qaatayna la siiyey darajada Kabtan.

Dhinaca kalana waxaa mar sii horreysay dalka Maraykanka lagu xidhay Jaasim Maxamed Ramadaan oo ah wiil 23 jir ah oo u dhashay dalka Ciraaq, kadib markii lagu eedeeyey in uu laba sano ka hor kufsaday gabadh Maraykan ah oo 30 sano ka weyn da’diisa.

War uu Geeska Afrika ka soo xigtay Shabakadda Al-Carabiya ayaa sheegaya in wiilkan Jaasim uu ciidamada Maraykanka ka caawiyey in ay qabtaan aabihii iyo madaxweynihii hore ee Ciraaq Saddaam Xuseen oo uu aabihii daacad uu ahaa.

Jaasim oo qoraallo badan iyo qisas laga sameeyey gacanta uu siiyey Maraykanka ayaa toban sano ka hor laga qoray buug la yidhaahdo, “Basaaskii dunida ugu da’da yaraa” waxa aana lagu sheegay in isaga oo 13 jir ahaa markaas, uu ciidamada Maraykanka ka caawiyey in ay soo xidhaan rag badan oo ka mid ah dagaalyahannadii Iska-caabbinta kala hor yimid qabsashada Maraykanka ee Ciraaq, waxa aana raggaas uu soo sheegay ka mid ahaa aabihii oo sida la sheegay ahaa Kabtan hore oo ka tirsanaa ciidamada Ciraaq ee xilligii Saddaam Xuseen. Maxamed Jaasim inta uu u tegey Robert Evens oo ah sarkaal sare oo ka mid ahaa ciidamada Maraykanka ee deegaankiisa joogay ayaa uu u sheegay in aabihii uu u dhiibay qori AK-47 ah oo uu faray in uu toogto askari kasta oo Maraykan ah oo uu arko, waxa aanu sheegay in hooyadiina ay raalli ka tahay in uu aabihii Maraykanka u soo sheego, iyada oo doonaysay in ay ka aargoosato odayga awgeed. Maalintaas wixii ka dambeeyey muddo ayuu wiilkani ciidamada Maraykanka u keenayey xogta oo hadba halka Maraykanku u diro uu ka keeni jiray, waxa aanu sabab u noqday in Maraykanku uu qabto 40 ka mid ah saraakiishii sare ee Wax-Iska-caabbinta Ciraaq waday. Sidoo kale xogta ay ka heleen ayaa ku hoggaamisay in ay Maraykanku qabtaan wiilkan aabihii oo lagu qabtay gabbood ku dhowaa xuduudka Suuriya iyo Ciraaq iyada oo markaas uu odaygu madax u ahaa unug dagaalyahanno ah oo Maraykanka la halgamaysay, markii ay aabihii xidheenna Maraykanka ayaa la wareegay korinta wiilkan oo markii dambe ay Maraykanka u qaadeen.

Sida lagu sheegay buugaagta iyo qoraallada laga sameeyey wiilkan yari waxa uu aad u necbaa aabihii oo aad u garaaci jiray, sidoo kalana hooyadii mar kasta ay murmi jireen, gacanna u qaadi jiray isaga oo arkaya, muddo ayaa uu la shaqaynayey Maraykanka, raadka Saddaam Xuseenna isaga ayaa ciidamada Maraykanku bilowgiiba ka heleen oo xogtii uu siiyey dabagalkeedu uu aakhirkii ku hoggaamiyey in ay soo qabtaan Saddaam Xuseen, in kasta oo ay jiraan dad kale oo iyaguna xog bixiyey.

Jabhadihii wax-iska-caabbitna ayaa markiiba ogaaday in wiilkani xogta bixiyo kadib habeen roob da’ayey ayaa ay weerar ku qaadeen gurigooda oo nasiib darro ay ka waayeen wiilkan, laakiin ka heleen hooyadii oo inta qoorta ay ka jareen ay goob qashinka lagu ururiyo madaxeeda soo dhigeen, markaas ayaa ay Maraykanku Ciraaq ka saareen wiilkan oo dhaqso loo siiyey jinsiyadda Maraykanka. Laakiin sida hadda la ogaaday nolosha ka dhacay oo.  Jaasim waxaa hadda ku dhacay xabsi ka badan labaatan sano oo la filayo in uu ka soo bixi doono marka uu gu’giisu Kontonaadka gaadho, haddii uu noolaado.