Dilkii Usaama Bin Laadin: Buug Daaha Ka Rogaya Runtii Uu Maamulka Obama Qariyey Kamaal A. Cali… (Qaybta 18aad)

0
694

Picture3Arrinta kale ee yaabka lihi waxa ay tahay in dhammaan shaqaalaha markabka Carl Vinson iyo askartii saarnayd laga waayey wax xog ah oo la xidhiidha Jinaasadda Usaama, tusaale ahaan markii bishii Juun 2011kii uu markabku soo dhamaystay hawshiisii ee uu dib ugu soo laabtay xaruntiisii Coronado ee gobalka California, Admiral Samuel Perez oo ahaa taliyaha markabkan waxa uu shaqada ka eryey koox ka mid ahaa shaqaalihii markabka oo warfidiyeenka u sheegay in dhammaan shaqaalaha iyo askarta markabka saaran amar lagu siiyey in aanay ka hadal haba yaraato ee wax la xidhiidha ogaanshiyaha ama ogaanshiyo la' aaska Usaama Bin Laadin ee la sheegay in uu markabkan ka dul dhacay iyo in uu  warkaasi jiro iyo in aanu jirin labadaba. Si kastaba ha ahaato ee Kabtan Bruce Lindsey oo isagu ahaa sarkaalka ugu darajada sarreeya ciidamada markabka saarnaa ayaa u sheegay wargeyska Commercial-News ee ka soo baxa Illinois in shaqaalaha iyo askarta markabka saarnaa aan waxba looga sheegin jinaasada dhacday iyo waxa ay tahay. Waxa uu caddeeyey in waxa keliya ee uu arrinta aaskaa la sheegayo ka og yahay ay tahay uun waxa uu ku arkay wargeyskan oo warbixin ka diyaariyey.

Markaas kadib ayaa ay wasaaradda difaaca ee Maraykanku sii deysay farriimo ay Internet ka ugu dirtay wakaaladda wararka ee AP, kuwaas oo mid ka mid ah uu Admiral Charles Gaoutte ku sheegayey in aaska Usaama loo maray, hab waafaqsan shareecada Islaamka. Iyo in aan cid keliya oo ka mid ah dadkii markabka saarnaa loo ogolaan in ay ka qayb qaataan hab-socodka jinaasaada. Laakiin haddana farriimahan kuma jiraan wax uun caddaynaya in la maydhay maydka in la kanfay, iyo sidoo kale ruuxa muslimka ahaa ee arrintan waafajinayey shareecada Islaamka.

Markii uu weerarku dhacayba toddobaaddo gudahood ayaa laba la-taliye oo muddo dheer ka shaqaynayey taliska hawlgallada gaarka ah, galangal badanna u leh sirdoonka hadda, waxa ay ii sheegeen in aanay jirin wax jinaaso run ah oo mayd la keenay oo ka dhacay markabka Carl Vinson dushiisa. Mid ka mid ahi waxa uu ii sheegay, in maydka Bin Laadin sawirrada lagaga qaaday dalka Afgaanistaan oo loo duuliyey. Ninkani la’taliyaha ahaa waxa uu intaas iigu sii daray, “Waa sheeko marin habaabin ah, in maydka Usaama loo duuliyey markabka Carl Vinson” ninka kale ee isna la’taliyaha ahaa waxa uu saaxiibkiisan ku waafaqay in aanu jirin wax mayd ah oo badda lagu tuuray. Waxa aanu intaas ku sii daray, "Dilka Usaama waxa uu ahaa masraxiyad siyaasi ah oo loo allifay si loo qurxiyo fahamka iyo aqoonta milateri ee Obama”

Masuulkani waxa uu sheegay in ujeedada laga lahaa qaabkan loo dhigay dilka Usaama ay ahayd keliya in bulshada Maraykan la tuso in madaxweyne Obama uu leeyahay karti iyo khibrad uu arrimaha milateriga ku maamuli karo, kuna fahmi karo, waayo dhalleecaynta ugu weyn ee dadka Obama diidani ku celcelinayeen waxa ay ahayd in aanu arrimaha milateriga waxba ka fahamsanayn, xilligaasna waxaa soo dhoweyd doorashadii uu doonayey in uu mar labaad kursiga yimaaddo, markaas Usaama waxa uu noqday xujo fiican oo uu dadka iyo mucaaradkiisaba ugu sheego in uu yahay nin arrimaha milateriga talo fiican ku darsan kara.

Mar kale oo ahayd sannadkan horraantiisii ayaa aan mar labaad la sheekaystay la’taliyihii labaad ee aanu hore u sheekaysannay, kadib waxa aan mar kale ku celiyey isla sheekadii la xidhiidhay aaskii badda dhexdeeda lagu xabaalay Usaama Bin Laadin. La’taliyahani inta uu aad iigu qoslay ayaa uu yidhi, “Ma waxa aad u jeeddaa badda laguma ridin”

Dhinaca kalana sarkaalkii hawlgabka ahaa ayaa isaga oo arrintan ka hadlay sheegay in ay jirto arrin kale oo iyadana fahamkeedu adag yahay, “Rag ka tirsan kooxdii ka ciidamada SEALS ee dishay Usaama Bin Laadin ayaa saaxiibbadooda kale ee ciidanka iyo dad kalaba si faan ah ugu sheegay in ay rasaas waslad-waslad ugu jarjareen hilbaha Usaama bin Laadin”

Qisadan yaabka leh oo qudheeduna sii adkaynaysa uun fahamka warkii marka horeba jaahwareerka ahaa ee aynu haynay, waxa ay askartani intaas ku sii dareen, “Wasladihii iyo hadhaagii hilbaha Usaama oo uu ku jiro madaxii oo dhowr meelood rasaastu ka daloolisay waxa aanu ku ururinnay bacaha maydka lagu rido, kadib markii aanu diyaaradda Qummaatiga u kacda la fuulnay ee aanu ku sii noqonaynay Jalaalabaad ayaa waslado ka mid ah maydkiisa aanu ku daadinnay buuraha Hindu Kush dushooda” sidaas ayaa ay saraakiisha SEALS ka tirsanaa ku andacoodeen.

Sarkaalka hawlgabka ahi waxa uu mar kale ku celiyey in aanay marnaba masuuliyiinta SEALS filayn in hawlgalkoodan uu Obama saacado gudahood bulshada ugu sheegi doono, isaga oo mar kale caddaynaya dhibta uu keenay degdeggaa Obama warka u sheegay iyo sida uu u kallifay in la sameeyo beeno kale oo qaarkood markiiba fashilmeen waxa uu sarkaalka hawlgabka ahaa yidhi,  La soco…………