Obama Oo Sheegay Inuu Heesaha Iska Daayey, Kadib Markii Ay Xaaskiisu Ka Dalbatay In Aanu U Heesin Cid Aan Iyada Ahayn : Kamaal Ahmed Cali

0
574

 

obamaWashington- Madaxweynaha dalka Maraykanka Barak Obama ayaa sheegay in uu iska daayey heesaha uu mararka qaarkood qaadi jiray si uu dadka uga qosliyo, kadib markii ay sidaa ka dalbatay xaaskiisu. Arrintan ayaa soo baxday markii toddobaadkan kumanaan taageerayaasha Barak Obama ah oo uu gooor habeennimo ah meel fagaare ah khudbad uga jeedinayey ay ka dalbadeen in uu u heeso, laakiin uu ku jawaabay, in xaaskiisa Michelle Obama ay wacad kaga qaadday in aanu hadda kadib cid aan iyada ahayn u heesin.

 

Barak Obama oo ku jira ol’olaha uu doonayo in mar labaad jagada madaxnimada loogu soo doorto doorashooyinka dhici doona bisha November ee foodda inagu soo haysa ayaa taageerayaashiisan kula hadlayey gobolka Colorado ee dalka Maraykanka,  ayaa mar uu dadka u sheegayey sababta ay xaaskiisu u diidday in uu heeso qaado, waxa uu si dadban ugu duur xulay in ay la xidhiidho dhinaca hinaasaha dumarka, waxaana ereyadiisa ka mid ahaa, “Waayo, waxa ay doonaysaa in aan kelideed u heeso… waad iska fahmaysaan”

Barak Obama ayaa mar uu xaflad dhina fanka la xidhiidha ku qabtay guriga cad bishii February ee ina dhaaftay waxa uu kaga yaabiyey martidii kadib markii uu si aad u macaan ugu luuqeeyey hees uu hal-ku-dheggeedu ahaa “Sweet home Chicago”  Chigaago waa gurigaygii qaaliga ahaa, waxaana marar dambe oo badan uu madaxeynuhu taageerayaashiisa ugu luuqeeyey heeso kala duwan.

Tartanka madaxnimada Maraykanka ee sannadkan ayaa la sheegay in ay heesaha murashaxiintu qaadayaan aad uga dhex muuqdaan, waxaan isaguna heesaha u yaraysan ninka ka socda xisbiga Jamhuuriga Mitt Romney ee madaxweyne Obama la tartami doona oo taageerayaashiisa u qaaday hees hal-ku-dheggeedu yahay, “America The beautiful” Ameerikadii quruxda badnayd.

Madaxweyne Obama iyo murashax Romney ayaa labaduba ol’olahoodan ku muujiyey hibada ay u leeyihiin dhinaca heesaha, waxa aanay marar badan farrimahooda iyo dacaayadaha ay isku naqdinayaan marar badan taageerayaashooda ugu gudbiyeen hab suugaaneed aad loogu sacabbiyey. Laakiin sida muuqata Obama ayaa dhinaca suugaanta kaga horreeyey Romney waxa aanay taasi ka muuqata hadallada cadhada leh ee guddida maamulaysa ol’olaha Romney kaga jawaabeen marar kala duwan oo uu Obama heeso qaaday, war saxaafadeed uu soo saaray xafiiska Romney ayaa lagu yidhi, “Obama waxa uu heesahayaa xill dadka Maraykan ay ku mashquulsan yihiin shaqo raadis”